Regulation of Political Associations and Parties Law (Somaliland)

For optimal readability, we highly recommend downloading the document PDF, which you can do below.

Document Information:


Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada 2011
www.somalilandlaw.com Page 1

JAMHUURIYADDA SOMALILAND
XEERKA NIDAAMKA URURADA IYO AXAABTA SIYAASADA
XEER No. 14/2011

GOLAHA WAKIILADA

Markuu ar kay : Qodobka 9aad, 22aad, iyo 23aad ee Das tuurka
Jamhuuriyadda Somaliland.

Markuu arkay : X eer Madaxweyne ee Lr: 0165/072011 ee tixraaca
RSL/M/ERM/249 -635/07211, ee Furashada Ururada Siyaasadeed
iyo Geedi Socodka Doorashooyinka iyo kaab ista iyo wax kabalka
Xeer Lr.14/2000.

Markuu Xaqiijiyay : In ay lagama maarmaan tahay in la abuuro Xeerar iyo Shuruuc kala
hagta sida ay Muwaadiniintu u gudan karaan xuquuqdooda
siyaasadeed si waafaqsan Dastuurka iyagoo uga qayb -qaadanaaya
hawlaha siyaasadeed si nabagelyo ah si ay awoodda dalka u
hantaan.

Markuu Tixgaliyay : In muwaadiniintu ay xaq u lee yihiin in ay helaan xuquuqdooda
siyaasadeed iyo gudashada waajibaadka saaran marka ay
abuurayaan Ururo siyaasadeed iyo in la habeeyo mabaadii’da iyo
Shuruucda kala hagaysa Xisbiyada qaranka ee Shakhsiyadda
Qaanuuniga ah leh.

Markuu Ku Qancay: Baahida loo qabo in dib -u-habayn iyo Wax -ka -beddel lagu sameeyo
Xeerka Nidaamka Axsaabta/Ururr ada Siyaasadda, Xeer Lr. 14/2000.
WUXUU
K AABIS IYO WAX -KA BADAL KU SAMEEY EY:

Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer LR 14/ 2000
Wuxuuna soo saaray
Xeer Lr. 14/2011

QAYBTA 1AAD : QODOBBO GUUD

Qodobka 1aad: Eraybixin

1) “ Guddi”: Waxaa loola jeedaa Gudid da diwaangelinta ururada siyaasada
iyo Ansixinta xusbiyada Qaranka.

Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada 2011
www.somalilandlaw.com Page 2

2) “ Komishan”: Waxaa loola jeedaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka
(KDQ).

3) “ Gobol/Degmo”: Waxaa loola jeedaa Gobollada iyo Degmooyinka ku xusan Xeer
Lr. 23/2002.
4) “ Urur Siyaasadeed”: Waxaa loola jeedaa koox muwaadiniin ah oo wadaaga fikir
siyaasadeed oo isu -diiwaan -geliya Urur ahaan si ay uga qayb –
qaataan doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka ka hor inta aan
loo aqoonsan xisbiyo Qaran .
5) “ Xisbi/Xisbiyo”: Waxaa loola jeedaa Xisbi/Xisbiyada Qaran ee la ansixiyay si ay
uga qayb -qaataan doorashooyinka Guud ee Golaha Wakiillada
iyo kuwa Madaxweynaha iyo Ku -xigeenkiisa;
6) “ Ajanabi”: Waxa loola jeedaa Shakhsi kasta oo aan u dhalan Jamhuuriyadda
Somaliland.
7) “ Warbaahinta Dawladda”: Waxaa loola jeedaa idaacadaha, Wargeysyada,
Shineemooyinka, Telefishanka Qaranka iyo nooc kasta oo
warbaahineed oo ay Dawladdu maamusho;
8) “ Hantida Dawladda”: Waxaa loola jeedaa Hantida Guurtada ah iyo Ma- guurtada ee ay
Dawladdu leedahay nooc kasta ha ahaatee.
9) “ Arjiga Codsiga”: Waxaa loola jeedaa Foom gaar ah oo uu diyaariyay Gudid da
diwaan -gelinta Ururda siyaasada iyo ansixinta xisbiyada oo
faahfaahinaaya shuruudaha laga rabo in uu buuxiyo Ur ur
Siyaasadeed kasta oo is diwaan -gelinaya.
10) “Doorashooyinka Qaranka”: Waxaa loola jeedaa doorashooyinka Guud ee ay ku
tartamayaan Saddexda Xisbi Qaran.
11) “Hoggaamiyeyaasha Xisbi/Urur Qaran ”: Waxaa loola jeedaa hoggaanka sare ee
Xisbi/Urur oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha , Gudoomiye –
kuxigeennada , Xog -hayaha Guud iyo ku xigeenkiisa.
12) Golayaasha sharciga ah”: waxa loola jeedaa Golayaasha Dastuuriga ah ee JSL oo kala
ah: –
b. Golaha Guurtida
t. Golaha Wakiilada
j. Golaha deegaanka

QAYBTA 2AAD

Qodobka 2 aad: Mabaadii’ da Guud iyo U Hoggaansanaanta Sharciga

1) Xisbiyada/Ururadu waa in ay u hoggaansanaadaan Dastuurka, Xeerarka dalka iyo
hanaanka Dimoqraadiyadda, waana in aanu wax u dhimaynin midnimada dalka,
dhammaanshaha dhul ahaaneed ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo nabadgelyada
guud;
2) Xisbiyada/Urur adu waa in ay ka qayb -qaataan in ay taageerayaashooda baraan
tartanka doorashooyinka iyo Dimoqraadiyadda waana in ay tix -gel in dheeraad ah
siiyaan Haweenka iyo dhalinyarada.

Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada 2011
www.somalilandlaw.com Page 3

3) Xisbiyada/Urur adu waa in aanay ku salaysnayn Qabiil, lab ama dheddig keliya, ama
nooc kale oo kasta oo Bulshada kala faquuqaaya
4) Xisbiyada Qaranka iyo Ururada waxaa lagu maamulayaa si waafaqsan xeerkan isla
markaana aan ka soo hor jeedsan shareecada islaamka, Dastuurka Qaranka, xeerarka
dalka, iyo xeeraraka Xisbiyada ama Ururda:
5) Cid kasta oo reer Somaliland ah buuxisana shuruudaha xeerkan wuxuu x aq u
yeelanayaa in uu samaysto Urur siyaasadeed si waafaqsan X eerkan;
6) Marka ay dhacdo in laba urur iyo in ka badini isu tagaan si ay u samaystaan is- bahaysi
ama Urur/ xisbi ku biiro inta ka ho raysa doorashada Golayaasha Degaanada, waxa loo
soo gudbinayaa Gudid da Diiwaan -gelinta Ururada siyaasada iyo ansixinta Axsaabta
Q aran ka nuqul asal ah (original) oo ah heshiiska isbahaysiga ah .

QAY BTA 3AAD : QAABDHISMEEDKA IYO XILKA GUD DIDA DIWAANGELINTA

Qodobka 3aa d: Guddida Diiwaan -gelinta Ururada Siyaasiga ah iyo Ansixinta Axsaabta
Qaranka.

1. Dalka JSL wuxuu yeelanayaa Guddi guud oo madax -banaan, una xilsaaran
diiwaangelinta U rurrada Siyaasada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.
2. Tirada Gud iddu waa 7 (todoba) xubnood oo ugu yaraan mid k a mid ahi sharci-yaqaan
yahay .
3. Gu did du waxay iska dhexdooranaysaa Gudoomiye , Gudoomiye xigeen iyo Xoghaye.
4. Guddid a waxa lagu soo xulanayaa shuruudaha hoos ku qoran: –
b. Inuu Muslin yahay /tahay kuna dhaqmo diinta Islaamka.
t. Inuu Muwaadin yahay /tahay da’diisuna ka yaraan 30 sanno.
j. Inuu/inay jidh ahaan iyo caqli ahaanba u gudan karo xilkiisa.
x. Inuu/inay leeyahay aqoon wax barasho oo gaadhsiisan shahaadada koowaad
ee jaamacadda ( First degree).
kh. In aanu /inaanay hore ugu dhicin xukun ciqaabeed oo Kama dambays ah oo
maxkamad horteed kaga cadaaday shantii sanno ee u dambaysay.
d. Inuu/inay yahay xilkas, dhaqankiisa iyo akhlaaqdiisuna toosan yihiin, yahayna
shakhsi ku sifoobay dhex -dhexaadnim o.
r. Inuu/inay leeyahay waayo -aragn imo shaqo iyo maamul oo dhan 5 5 sanno
ugu yaraan.
s. Inuu/inay ku sugnaa /sugnayd dalka JSL labadii sano ee ugu dambeeyay
sixidhiidha ah .
sh. Halka sharci yaqaan waxa u dh eer shuruudahaasi inay leeyahay/leedahay
shuruudaha lagu soo doort o garsoorayaasha Maxkamada Sare.
5. Xarunta dhexe ee guddidu waxay ahaanaysaa Hargeysa w axayna ku yeelanayaan
wakiilo gobolada iyo degmooyinka dalka.
6. Guddid u waxay xilka haynayaan muddo (2) lab o sano ah oo ka bilaab anta maalinta ay
Maxakamada sare xilka u dhaariso.
7. Madaxweynaha JSL ayaa magacaabaya Gudidda diiwaangalinta ururada siyaasada iyo
axsaabta qaranka.

Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada 2011
www.somalilandlaw.com Page 4

8. Golaha wakiilada ayaa kalabadh iyo hal (4 1+1) tirada guud ku ogolaanaya gudidda
diwaan galinta urarada siyaasada iyo axsaabt a qaranka.
9. Guddidu waxay yeelanayaan gunno la mid ah Gunada Komishanka Qaranka la siiyo .
10. Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa ku dhaarinaya Guddida dhaartan todobaad ka
dib maalinta Golaha Wakiiladu ansixiyo (WAXA IGU WALAAHIYA, BILAAHIYA,
INAANAN KA MID AHAY N KUNA JIRIN UNUG, URUR IYO XISBIYO QARAN TOONA,
KANA MID NOQONEYN URUR IYO XISBI KALE INTAAN XILKA HAYO. UGUNA
ADEEGAYO BULSHADA SOMALILAND CADAALAD, SINAAN IYO DAACADNIMO ).

QAYTA 4AAD : DIIWAANGELINTA IYO HABRAACA

Qodobka 4 aad: Codsashada Diiwaan -geli nta iyo Qabashada Araajida

1. Guddidu waxay ku baahinaysaa warbaahinta dalka mudada qabashada codsiyada
diiwaangelinta U rurada siyaasadeed, iyo mudada dhamaadka qabashada codsiyada
diiwaangelinta. Mudada qabashada codsiyada diiwaangelintu waa laba bilood
gud ahood (lixdan maalmood ) oo ka bilaabmaysa maalinta la bilaabo baahinta
qabashada codsiyada.
2. Urudada siyaasiga ah ee cusub waxay is ka diwaan galinayaan xarunta guud ee Gudida
diwaan galinta ururada siyaasad iyo axsaabta qaranka ee Hargaysa.
3. Urur kasta o o doonaya in loo diiwaangeliyo Urur siyaasadeed waa inuu ku soo qortaa
arji foomka loogu talagalay, kuna soo hagaajiyaa Guddida, kuna lifaaqnaadaan
caddaymaha iyo qoraalada soo socda: –
b) Goortii iyo goobtii u rurku ku qabtey shir kii aasaaska ee ugu horeeyay .
t) Li iska magacyada aasaasay aasha ururka iyo ha bkii loo doortey .
j) Liiska magacyada hogaanka, gudid da fulinta iyo golaha dhexe oo gudoomiyaha
ama ku -xigeenku soo sexeexay .
x) Qaab -dhismeedka ururka oo ay ku caddahay magaca ururka oo dhan iyo habka
uu u qormayo m arka la soo gaabiyo iyo astaanta ururka.
a) Caddeyn bixin cashuurta diwaan gaklinta oo dhan 150, 000,000 (Boqol iyo konton
milyan ) shilin Somlaliland .
b) Xis biyada qaran ee haysata shahaadada xisbi nimo laga ma qaadayo cashuurta
diwaan galinta.
c) mudada liisank a ee xisbi qaran waa toban (10) sano oo ka bilaabma taariikhda
liisanka la siiyay.

Qodobka 5 aad: X isbiyadda Qaran iyo Urarada ku meel gaadh ka ah

1. Markay dhamaato mudada qab ashada araajida diiwaangelinta U rurrada, Gudiddu
diwaangalintauruada siyaasiga ah iyo ansixinta axsaabta Qaranka waxay hubinaysaa
ururada buuxiyey shuruudihii looga baahnaa, waxayna siinayaan ogolaansho ku
meelgaadh ah oo uu ururkaasi ku hawlgalo.
2. Mudada hawl -galada ururada siyaasadeed waa 6 bilood oo ka bilaabanta taariikhda
ogolaansh aha ku meel gaadhka ah la siiyey.

Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada 2011
www.somalilandlaw.com Page 5

3. Xisbi/Urur kasta waa inuu ku keenaa mudada ku xusan Faqrada 2aad ee Q odobkan
qoraalada iyo caddeymaha soo socda:-
b. Q abashadii shirweynaha ee Ururka ama xisbiga, meeshii uu ku qabtey, taariikhduu
qabsoomay iyo wixii ugu weynaa ee ay qabteen , Sida liiska magacyada xubnaha
golaha dhexe, Golaha Fulinta iyo magacyada hogaanka xisbiga.
t. Caddey n in Ururkaasi ku leeyahay laamo hawlgal a h, ugana diiwaan- gashan yihiin
ugu yaraan 1000 ( Kun qof) xubnood gobol kas ta, kuwaas oo haysta warqda
aqoonsiga muwaadinimo oo sharci ah .
4. Urur ka la siiyo ogolaansho ku meel gaadh ah oo uu ku hawl-galo, waa in Guddidu
siisa a afar (4) nuqul oo xeerkan ah
5. Xisbi/urur kasta oo siyaasadeed waa in xeerkiisa ku caddahay ku dhaqanka
dimoqraadiyad da, tallo -wadaaga iyo maamul wanaag.
6. Urur k asta waa inuu gudid da u keeno 3 nuqul oo daabacan oo ah xeer kiisa iyo
cinwaanadiisa gobo lada iyo degmooyinka dalka.
7. Xisbi /urur kasta waa in xeerarkiisu waafaqsan yahay Dastuurka iyo X eerarka dalka JSL.
8. Xisbi/Urur kasta waa inuu xubin ka noqon karo qof kasta oo Somalilander ahi
9. Ururka siyaasadeed ee loo ansixiyo xisbi, kuma biiri karo Xisbi kale doorashooyinka ka
hor iyo kadib, sidoo kale waa iney xeerkiisa ku caddaataa inaan laga saari karin/eryi
k arin xisbiga xu bin ama xubno loo doortey Golayaasha sharciga ah haadii aanay ka hor
imanayn xeerar ka dalka iyo xeerka xisbiga.
10. Xisbi kasta oo siyaasadeed waa inay barnaamijkiisa ku caddaato qorshayaashan: –
b. Sugidda nabadgelyada, deganaanshaha iyo xasiloonidda dalka.
t. Horumarinta waxbarashada iyo Diinta
j. Horumarinta caafimaadka iyo fayo -dhawrka.
x. Daryeelka iyo ilaalinta degaanka.
kh . Dhaqaaleynta iyo soo saaridda k heyraadka dabiiciga ah ee dalka
d. Horumarinta cilmiga iyo teknoolajiyada.
r. D hiiri gelinta dhalinyarada iyo haweenka ee ka qayb qaadashada siyaasada
dalka.
s. Ilaalinta Dastuurka iyo xeerarka dalka.

Qodobka 6aad : K ala reebida Xisbiyada /Ururda ku tartama doorashada Deegaanka

1. Saddexda xisbi/U rur ee doorashada Dawladaha Hoose ka h ela 20% codadka gobol
kasta ayaa loo aqoonsanayaa Xisbi qaran , lana siinayaa shahaadada aqoonsiga xisbi.
2. Haddii hal xisbi oo keliya ku guulaysto doorashada oo uu ka helo 2 0% codadka gobol
kasta, Guddidu waxay u aqoonsanaysaa xisbiyo Qaran isaga iyo labad a Xisbi ee ku xiga
isu gaynta codadka boqolayda gobol kasta.
3. Hadii ay is leekaato tirada Boqoleyda G obolada ee laba Urur ama ka badan waxaa lagu
kala saarayaa. Sida ay u gu kala Bataan tiradada guud ee codad ka .
4. Haddii ururada siyaasadeed midna gaadhi waay o 20% waxay Guddidu u
aqoonsanayaan Xisbiyo Qaran saddexda Xisbi ee ugu tirada badan codadka
doorashoonyinka boqolayda gobolada dalka.

Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada 2011
www.somalilandlaw.com Page 6

5. Tobankii (10) sannadoodba mar baa la abuuri karaa Urur Siyaasadeed si waafaqsan
Xeerkan. Hase -ahaatee waa in Urur Siyaas adeed la abuuraa ugu yaraan 6 (lix) bilood ka
hor maalinta la qabanaayo doorashada Goleyaasha Deegaanka.

Qodobka 7 aad: Waxyaabaha ka reebban Xisbiyada/Ururada

1. Waxaa ka reebban xisbi/urur kasta inuu u soo gudbiyo Guddida war bixin been ah ama
khaldan.
2. Xis bina kama muuqan karto xeerarkiisa qodob ama qodobo ka hor imanaya Dastuurka
iyo Shareecada Islaamka.
3. Xisbi/Urur kasta waxaa ka reebban inuu dhaqaale ka helo illo shisheeye .
4. Xisbi/urur kasta waxaa ka reebban inuu hantida qaranka Somaliland u adeegsado ama
u isticmaalo hawlihiisa u gaarka ah ee doorashooyinka.
5. Xisbi/urur kasta waxaa ka reebban inuu adeegsado koox ama ciidan hubaysan oo uu
ku fushado danihiisa gaarka ah.

Qodobka 8 aad: Xuquuqda Xisbiyadda Qaran ka

1) Xisbiyada Qaran ka ee la siiyey shahaadada xisbinimo siyaasadeed, waxay xaq u
leeyihiin:
b. Inay si siman u adeegsadaan warbaahinta qaranka, waxayna yeelan karaan
Warbaahin u gaar ah markey ogolaansho ka helaan hay’adaha ku shaqada leh.
t. Inay si xor ah u gudbiyaan afkaartooda siyaasadeed iyagoon w ax u dhimayn
xasiloonida iyo nabadgelyada guud ee dalka.
j. inaan la cabudhinkarin mas -uuliyiinta xisbiyada ciidamada amaankuna aanay gali
k arin xarumohooda ilaa ogolaasho laga helo Maxkamadda awooda u leh ,
x. xisbiyada Qaranka ee m ucaaridka ahi way dhaliili karaan xukuumada
k h. Xisbiyadu wixii dacwad ama cabashooyin ay ka tawdaan shaqada Guddida diwaan
galinta ururada siyaasada iyo ansixinta axsaabta Qaranka waxay qoraal ahaan ugu
gudbinayaan maxkamadda gobolka ay cabashadu ka jirt o.
d. Haddii ay ku qanci waayaan go’aanka maxkamadda gobolku ka soo saarto , waxay
racfaan uga qaadanayaan Maxkamadda Das tuuriga ah
r. X ibiyada qaranku way yeelan karaan hanti gaar ah.

Qodobka 9aad : Xuquuqda Muwaadiniinta

Muwaaddin kasta oo qaangaad h ah, wuxuu xaq u leeyahay: –
1. In uu/inay ka qayb -qaato hawlaha siyaasadda.
2. In uu/inay ku biiri karo xisbi ama urur siyaasadeed kuu/kay doorto .
3. Xubnaha ururku ama xisbigu waxay leeyihiin xuquuqo isku mid ah xaqa doorashada
iyo codayntaba marka lagu guda jiro xilliga doorashada xisbiga/ururka gudihiisa.
4. Xubi n kasta oo doonaysa in ay ka baxdo xil xisbi ama urur.
b) Waa in xubinta xisbiga/ururku u soo gudbisaa arjiga is casilaada.
t) Waa in xisbiga /ururku ku aqbalaa ama ku diidaa 14 maalmood gudahood is
casilaada xubinta.

Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada 2011
www.somalilandlaw.com Page 7

5. Xubinina kama wada tirsanaan karto laba Xisbi/Urur ama Xisbi iyo Urur isla wakhti
keliya.

Qodobka 10 aad: Sababaha Lagu Waayi Karo Xubinnimada

Xubin ka tirsan Xisbi ama Urur waxaa laga saari karaa oo keliya marka:
b) Ay s amaysato urur kale
t) Ay Ka qayb -qa adato urur kale oo la samaynayo
j) Ay Ku biirto urur kale ama si caam ah ugu olo laysa samaysiga urur kale
x) A y ku gafto x eerka u yaalla xisbiga/u rurka

Qodobka 11 aad: Mushari xiinta u Tartama ysa Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo
deegaanka

1) Qof kasta oo muwaadin Somaliland ahi wuxuu xaq u leeyahay in la doorto, waxna
dooran karo, hase yeeshee waxaa musharax noqon kara: –
b. Muwaadin Somaliland ah, xisbina soo sharaxay, buuxiyeyna shuruudaha Xeerku
jideeyey.
t. Ma banana in musharax madax -banaan oo aan maga c xisbi wadanin isa soo sharaxo.
3) G udidda fulinta ee xisbiyada ayaa soo magacaabaya musharixiinta uga qayb galaya
doorashada Golaha Wakiiladda.
2) Gud idda Xisbiga ee Gobol kasta ayaa soo magacaabaya musharaxiinta heerka
degmooyinka.

Q odobka 12aad : Mudada xilka Madexweynaha iyo Gudoomiyaha X isbiga

1. Qofna jagada madexweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan .
2. Xis bi qaran jagada gudoomiyaha xisbiga uma sharixi karo xubin laba xildoorasho wax
ka badan .

QAYTA 5AAD : XEER -HOOSAADKA, QAAB -DHIMEEDKA IYO SHAQADA URURRADA
SIYAASADDA

Qodobka 13 aad: Xeer -hoosaadka iyo Qaab -dhismeedka Ururrada Siyaasadda

Xeer -hoosaadka Ururrada Siyaasadda waa in ay ku cad yihiin waxyaalahani: –
1. Magaca Ururka oo dhamaystiran .
2. Ujeeddooyinka Ururka .
3. Qaab -dhismeedka Ururka iyo Waaxyaha uu ka kooban yahay.
4. Xarunta dhexe ee Ururka oo ah Somaliland gudaheeda.
5. Q aabka lagu soo doorto ama lagu beddeli karo, muddada xilka ee mas’uuliyiinta.
Ururka .
6. Shuruudaha Xubinta lagu noqon karo iyo sababta lagu waayi karo, iyo iscas ilaadda
xubinta ama mas’uulka
7. Qodobbo khuseeya sida Xeer -hoosaadka Ururka wax looga beddeli karo .

Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada 2011
www.somalilandlaw.com Page 8

Qodobka 14 aad: Reebbanaan

Uma banaana qof kasta oo ka tirsan Ciidammada Qalabka sida: Ciidanka qaran, Booliska,
Ciidanka Asluubta, hay’adaha sirdoonka qaranka, Uru rada aan Dawliga ahayn , shaqaalaha
dowlada (civil servant) iyo x ubnaha ka tirsan Garsoorka, Xeer-ilaalinta, iyo gudidda
diwaan galinta ururada siyaasada iyo ansixinta xisbiyada qaranka in ay:
1. Samaystaan Urur Siyaasadeed iyo xubin ka- noqoshadiisaba .
2. In loo magacaabo xafiis Urur S iyaasadeed.
3. Ku lug -yeelat o arrimo A xsaab/Urur oo luminaaya dhex -dhexaadnimada xafiiska uu
joogo.
4. T aageerid ama ka- soo-hor -jeedsi Xisbi/Urur S iyaadadeed.

Qodobka 15 aad: Astaamaha iyo Magacyada

Ururna ma isticmaali karo astaan ama magac uu hore u isticmaalay Urur kale, xisbi,
Hay’adaha Dawladda ama Qaranka Somaliland.

Qodobka 16 aad: Hoggaamiyeyaasha Xisbi/Urur Siyaasadeed

Qofka isu sharraxaaya hogaanka Xisbi/Urur Siyaasadeed waa in uu buuxiyo shuruudahan:
1. Waa in uu/inay yah ay muwaaddin reer Somaliland ah.
2. Waa in /inay ay da’diisu tahay ugu yaraan 3 0 jir .
3. Waa in /inay aanu ku dhicin xukun maxkamadeed oo ah fal- dambiyeed uu gaystay
oo ka badan 3 (saddex) sanno 5tii sanno ee u dambaysay marka laga reebo in
Madexw eynaha JSL uu siiy ay cafis.
4. Waa in /inay uu yahay qof muslin ah kuna dhaqma diinta islaamka.

Qodobka 1 7aad : Isbeddelka Hoggaanka iyo shuruucda Xisbiga/Ururka

1. Isbeddel kasta oo lagu sameeyo hoggaanka, shuruucda iyo Qaab -dhismeedka
Xisbiga/Ururka waa in laga sheego warbaahin ta ugu badnaan 15 maalmood ka dib
marka uu Xisbigu/Ururku qabsado shirka uu ku gaadhay go’aanka isbe ddelkaas.
2. Isla markaana w aa in qoraal rasmi ah oo arrintaa ku saabsan loo diro xeer- ilaalinta iyo
komishanka do orashooyinka qaranka mudo aan ka badnayn 15 maalmood .

QAYBTA 6AAD : WARBAAHINTA IYO HANTIDA XISBI/URUR SIYAASADEED

QODOBKA 18AAD : WARBAAHINTA XISBIGA AMA URURKA

1. Xisbi/Urur Siyaasadeed waxa uu xaq u leeyahay i n uu abuuro Warbaahin uu gaar ah si
waafaqsan shuruucda iyo xeerarka dalka ee khuseeya w arbaahinta gaarka ah.
2. Xisbi/Urur Siyaasadeed waxa ka mamnuuc ah in ay faafiyaan, daabacaan ama
baahiyaan warar been ah , isla markaana abuuraaya kicin iyo iska- hor imaad
dadweyne, wiiqaaya midnimada dalka, ama waxyeello u gaysanaaya nabadgelyada
guud.

Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada 2011
www.somalilandlaw.com Page 9

3. Xis biyada/Uru rada Siyaasaddu waxay si siman u isticmaalayaan warbaahinta ay
Dawladdu maamusho wakhtiga ololaha doorashooyinka Qaranka.

Qodobka 1 9aad : Hantida Xisbi/Urur

Hantida Xisbi/Urur waxa ay ka iman kartaa: 1. Qaadhaanka ay xubnaha Xisbi/Urur bixiyaan.
2. Deeqda la siiyay Xisbiga/Ururka waa in ay ka timaado shirkado wadani ah, ama
muwaadiniin reer Somaliland ah.
3. Kaalmo ay si siman u bixisay xukuumadu .

QAYBTA 7AAD : XISBIYADA SIYAASADDA EE JIRA

Qodobka 20 aad: Shakhsiyadda Qaanuuniga ah ee Xisbiyada

1. Saddexd a xisbiyo Qaran ee loo aqoonsado xisbiyo qaran waxa ay leeyihiin Shakhsiyad
Qaanuuni ah (Legal Personality).
2. Xisbiyada Siyaasaddu waxa ay xaq u leeyihiin in ay u tartamaan Doorashooyinka
Deegaanka ee soo socda. Haseyeeshee waa in ay Gudida diwaan -gelinta u soo
gudbiyaan waxyaalah an:-
a. Magaca Xisbiga oo dhamaystiran
t. Ujeeddooyinka Xisbiga;
j. Qaab -dhismeedka Xisbiga iyo Waaxyaha uu ka kooban yahay
x. Xarunta dhexe ee Xisbiga oo ah Somaliland gudaheeda
k h. Q aabka lagu soo doorto ama lagu beddeli karo, muddada xilka ee mas’uuliyiinta
Xisbiga,
d. Shuruudaha Xubinta lagu noqon karo iyo sababta lagu waayi karo, iyo
isc asilaadda xubinta ama mas’uulka.
r. Qodobbo khuseeya sida Xeer -hoosaadka Xisbiga wax looga beddeli karo .

Qodobka 21 aad: Ganaaxa ku xad -gudubka xeer ka

Gudi ddu waxa ay ganaax lacag eed oo dhan Sodon milya n oo shillinka Somaliland ah
( 30,000,000 SL/Sh ) ku soo rogayaa Xisbiga/Ururka ku xad -gudba Xeerkan.

QAYBTA 8AAD

Qodobka 2 2aad : Waxyaabaha ka reeban adeegsiga deeqaha da wladda siiso Xisbiyada

Deeqa ha dawladda looma isticmaali karo s i toos ah ama si dadban in loogu qorsheeyo
samaynta ganacsi gaar loo leeyahay, ha ahaato hanti guurto ah ama tu ma -guurto ahba.

Qodobka 23aad : Xisaab xidh

Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada 2011
www.somalilandlaw.com Page 10

Xisbi Qaran kastaa waxaa uu samaynayaa xisaab xidh sanadedd (dakhli iyo kharash) uu
soo cadeeyay hati dhawre madex banaan, waxaana loo gudbinayaa komishanka
doorashooyinka Q aranka ugu danbayn 31 March ee sanad kasta.

QAYBTA 9AAD : QODOBBO KALA DUWAN

Qodobka 2 4aad : Xisbiga Dhaca ama Ururka U Gudbi Waaya Xisbi

1. Xisbi ka sta /Urur oo ku guula ysan waaya doorashada Golaya asha deegaanka waxay ku
biirayaan iyaga iyo Xubnahood a golayaasha deegaanka ee ay ka helaan degmooyinka
dalka saddexda xisbi qaran ee soo baxay kay doonaan, waxayna qoraal ahaan ugu
gubinayaan Gudidda Diiw aangalinta mudo aan ka badnayn hal bil (30 maalmood ).
2. Hadii xisbigii mud anaha Golaha wakiilad u uu ka tirsanaa ku dhaco t artarka Ururada iyo
X isbiyada waxaa mudanuhu ku biiri karaa xisbiga uu doort o, wuxuuna dhamaysanayaa
mudo xil eed ka u hadhsan .
3. Madaxwey naha iyo ku xigeenkiisu waxay dhamaysanayaan mudada xilkooda inta uga
hadhsan hadii xisbigoodu soo bixi waayo waxaana u furan inay galaan xisbigay
doonaan.

Qodobka 2 5aad: Tayaynta iyo habaynta xisbiyada Q aranka

1. Xis biyada Qaranka ee Doorashada ku guulays taa waa in ay ku dhaqmaan maa -mul
wanaag iyo dimuquraaduayad dhexdooda ah, waana in awooda loo siman yahay.
Talada xisbigana waa in mar kasta lagu go’aan qaataa qaabka uu dhigaayo xeer
hoosaadka.
2. Shirweynaha Xisbi Qaran waxaa la qabanayaa 5 (shantii sano) hal mar waxaana la
baahinayaa lixdan (60) maalmood ka hor.
3. Shirka xisbi ee golaha dhexe waxaa la qabanayaa halkii sanaba mar waxana la
baahinayaa 30 casho ka hor.
4. Shir waynaha xisbiga waxa lagu soo dooranaya.
b. Xubnaha hogaanka xisbiga iyo guddida fulinta
t. Xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga
j. Waxaa lagu ansixinayaa barnaamijka iyo xeer -hoosaadka xisbiga.
5. Liiska xubnaha golaha fulinta iyo golaha dhexe ee xisbi iyo nuqul xeer-hoosaadkooda
ah waxaa loo gudbinayaa xeer- ilaalinta, komishanka doorashooyinka qaranka iyo
gudida diwaan gelinta mudo aan ka badnayn 30 maalmood shirwaynaha ka kib .
6. Hogaanka xis biga, Guddida fulinta iyo xubin golaha dhexe waxaa xilka qaadistooda
soo jeedin kara .
b) 1 /3 xubnaha golaha dhexe ee xisbiga.
t) Gudoomiyaha xisbiga.
j) Is -casilaad .
Wax aana cod kala- badh iyo hal ku ansixinaya xubnaha golaha dhexe ee xisbiga.
7. Gudidda diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Q aranka ayaa
xisbiyada dhexdooda ku ilaalinaya Dimuqraadiyada, iyagoo war bixintooda u soo
gudbinaya Golaha Wakiiladda marka loo baahdo.

Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada 2011
www.somalilandlaw.com Page 11

8. Marka mudo xileedka Gudidda diwaan gelinta Ururada Siyaasada iyo A nsixinta
Xisbiyada Qaranka uu dhamaado waxaa shaqadooda la wareegaya komishanka
doorashooyinka qaranka.

Qodobka 2 6aad : Soo Saaridda Xeer -Nidaamiye (Power to Issue Regulat ions)

Gudida D iwaangelinta Ururadda Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbayada Qaranku waxa uu
awood u leeya hay in uu soo saaro Xeer- nidaamiye (Regulations), Xeerka Hab -dhaqanka
(Code of Conduct) iyo Awaamiir (Directives) aan ka hor imanayn xeerka.

Qodobka 27aad: Laalis

1. Xeerka Nidaamka Urur rada iyo Axsaabta Siyaasadda (Xeer Lr. 14/2000) waxaa badalay
Xeer Lr..14/2011
2. Xeer kasta oo ka s oo horjeeda Xeerkani waa waxba k ama jiraan (null and void).

Qodobka 2 8aad : Dhaqan- galka

Xeerkani waxa uu dhaqan -gelayaa mark a ay Goleyaasha Xeer- dejintu ansixiyaan
Madaxweynuhuna saxeexo.

C/risaaq Siciid Ayaan le C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirr o
Xog .Guud ee Golaha Wakiilada Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JS L
……………………………….. ………………………………………

Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada 2011
www.somalilandlaw.com Page 12

XEER MADAXW EYNE NO. 0168/082011

REF: JSL/M/XERM/219 -683/082011 DATE: 20/08/11
DHAQAN-GALKA XEER LR. 14/2011

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Helay: Go’aanka Golaha Wakiilada JSL ee Go’aan Lr. GW/KF -15/534/2011, ee
Ansixinta Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda,
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Wuxuu Soo Saaray,
Dhaqan-galka Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda ee Jamhuuriyadda
Somaliland ee Xeer Lr. 14/2011.

Alla Mahad Leh

Ahmed Maxamed Silanyo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland