Consolidation of the Regulation of Political Parties Law and its Amendments

For optimal readability, we highly recommend downloading the document PDF, which you can do below.

Document Information:


Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada 2011 iyo Wax ka Badalkiisa Hirgelay 131211
www.somalilandlaw.com Bogga 1

XEERKA NIDAAMKA URURADA IYO AX SAABTA SIYAASADA IYO WAX KA BEDELKII
HIRGALEY

Xeerkani wuxuu markii hore dhaqangaley 20kii Ogosto 2011 oo Madaxweynuhu saxeexay
(sida ku xusan Dikriitada Madaxweyne ee ku lifaaqan Xeerkan). Wax ka bedelkii Xeerkuna
wuxuu dhaqangelay 13kii Diisambar 2011 Markii Madaxweynuhu saxeexay (sida ku xusan
Dikriitada Madaxweyne ee labaad ee ku lifaaqan Xeerkan).

Waxaa halkan hoos qoran Xeerkii Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada iyo Wax ka
bedelkiisii oo dhan. Qodobadda Wax ka bedelka waxay ku qoranyahay far leexsan (in
Italics).

Ibrahim Hashi Jama, www.somalilandlaw.com
22/12/2011

JAMHUURIYADDA SOMALILAND
XEERKA NIDAAMKA URURADA IYO AXAABTA SIYAASADA
IYO WAX KA B EDELKIISII HIRGALEY ( oo far leexsan ku qoran)
XEER No. 14/2011

GOLAHA WAKIILADA

Markuu ar kay : Qodobka 9aad, 22aad, iyo 23aad ee Das tuurka
Jamhuuriyadda Somaliland.

Markuu arkay : X eer Madaxweyne ee Lr: 0165/072011 ee tixraaca
RSL/M/ERM/249 -635/07211, ee Furashada Ururada Siyaasadeed
iyo Geedi Socodka Doorashooyinka iyo kaab ista iyo wax kabalka
Xeer Lr.14/2000.

Markuu Xaqiijiyay : In ay lagama maarmaan tahay in la abuuro Xeerar iyo Shuruuc kala
hagta sida ay Muwaadiniintu u gudan karaan xuquuqdooda
siyaasadeed si waafaqsan Dastuurka iyagoo uga qayb -qaadanaaya
hawlaha siyaasadeed si nabagelyo ah si ay awoodda dalka u
hantaan.

Markuu Tixgaliyay : In muwaadiniintu ay xaq u lee yihiin in ay helaan xuquuqdooda
siyaasadeed iyo gudashada waajibaadka saaran marka ay
abuurayaan Ururo siyaasadeed iyo in la habeeyo mabaadii’da iyo
Shuruucda kala hagaysa Xisbiyada qaranka ee Shakhsiyadda
Qaanuuniga ah leh.

Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada 2011 iyo Wax ka Badalkiisa Hirgelay 131211
www.somalilandlaw.com Bogga 2

Markuu Ku Qancay: Baahida loo qabo in dib -u-habayn iyo Wax -ka -beddel lagu sameeyo
Xeerka Nidaamka Axsaabta/Ururr ada Siyaasadda, Xeer Lr. 14/2000.
WUXUU
K AABIS IYO WAX -KA BADAL KU SAMEEY EY:

Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer LR 14/ 2000
Wuxuuna soo saaray Xeer Lr. 14/2011

QAYBTA 1AAD : QODOBBO GUUD

Qodobka 1aad: Eraybixin

1) “ Guddi”: Waxaa loola jeedaa Gudid da diwaangelinta ururada siyaasada
iyo Ansixinta xusbiyada Qaranka.
2) “ Komishan”: Waxaa loola jeedaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka
(KDQ).
3) “ Gobol/Degmo”: Waxaa loola jeedaa Gobollada iyo Degmooyinka ku xusan Xeer
Lr. 23/2002.
4) “ Urur Siyaasadeed”: Waxaa loola jeedaa koox muwaadiniin ah oo wadaaga fikir
siyaasadeed oo isu -diiwaan -geliya Urur ahaan si ay uga qayb –
qaataan doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka ka hor inta aan
loo aqoonsan xisbiyo Qaran .
5) “ Xisbi/Xisbiyo”: Waxaa loola jeedaa Xisbi/Xisbiyada Qaran ee la ansixiyay si ay
uga qayb -qaataan doorashooyinka Guud ee Golaha Wakiillada
iyo kuwa Madaxweynaha iyo Ku -xigeenkiisa;
6) “ Ajanabi”: Waxa loola jeedaa Shakhsi kasta oo aan u dhalan Jamhuuriyadda
Somaliland.
7) “ Warbaahinta Dawladda”: Waxaa loola jeedaa idaacadaha, Wargeysyada,
Shineemooyinka, Telefishanka Qaranka iyo nooc kasta oo
warbaahineed oo ay Dawladdu maamusho;
8) “ Hantida Dawladda”: Waxaa loola jeedaa Hantida Guurtada ah iyo Ma-guurtada ee ay
Dawladdu leedahay nooc kasta ha ahaatee.
9) “ Arjiga Codsiga”: Waxaa loola jeedaa Foom gaar ah oo uu diyaariyay Gudid da
diwaan -gelinta Ururda siyaasada iyo ansixinta xisbiyada oo
faahfaahinaaya shuruudaha laga rabo in uu buuxiyo Urur
Siyaasadeed kasta oo is diwaan -gelinaya.
10) “Doorashooyinka Qaranka”: Waxaa loola jeedaa doorashooyinka Guud ee ay ku
tartamayaan Saddexda Xisbi Qaran.
11) “Hoggaamiyeyaasha Xisbi/Urur Qaran ”: Waxaa loola jeedaa hoggaanka sare ee
Xisbi/Urur oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha, Gudoomiye-
kuxigeennada , Xog -hayaha Guud iyo ku xigeenk iisa.
12) Golayaasha sharciga ah”: waxa loola jeedaa Golayaasha Dastuuriga ah ee JSL oo kala
ah: –

Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada 2011 iyo Wax ka Badalkiisa Hirgelay 131211
www.somalilandlaw.com Bogga 3

b. Golaha Guurtida
t. Golaha Wakiilada
j. Golaha deegaanka

QAYBTA 2AAD

Qodobka 2 aad: Mabaadii’da Guud iyo U Hoggaansanaanta Sharciga

1) Xisbiyada/Ururadu waa in ay u hoggaansanaadaan Dastuurka, Xeerarka dalka iyo
hanaanka Dimoqraadiyadda, waana in aanu wax u dhimaynin midnimada dalka,
dhammaanshaha dhul ahaaneed ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo nabadgelyada
guud;
2) Xisbiyada/Urur adu waa in ay ka qayb -qaataan in ay taageerayaashooda baraan
tartanka doorashooyinka iyo Dimoqraadiyadda waana in ay tix -gel in dheeraad ah
siiyaan Haweenka iyo dhalinyarada.
3) Xisbiyada/Urur adu waa in aanay ku salaysnayn Qabiil, lab ama d heddig keliya, ama
nooc kale oo ka sta oo Bulshada kala faquuqaaya
4) Xisbiyada Qaranka iyo Ururada waxaa lagu maamulayaa si waafaqsan xeerkan isla
markaana aan ka soo hor jeedsan shareecada islaamka, Dastuurka Qaranka, xeerarka
dalka, iyo xeeraraka Xisbiyada ama Ururda:
5) Cid kasta oo reer Somaliland ah buuxisana shuruudaha xeerkan wuxuu x aq u
yeelanayaa in uu samaysto Urur siyaasadeed si waafaqsan X eerkan;
6) Marka ay dhacdo in laba urur iyo in ka badini isu tagaan si ay u samaystaan is- bahaysi
ama Urur/ xisbi ku biiro inta ka ho raysa doorashada Golayaasha Degaanada, waxa loo
soo gudbinayaa Gudid da Diiwaan -gelinta Ururada siyaasada iyo ansixinta Axsaabta
Q aran ka nuqul asal ah (original) oo ah heshiiska isbahaysiga ah .

QAY BTA 3AAD : QAABDHISMEEDKA IYO XILKA GUD DIDA DIWAANGELINTA

Qodobka 3aa d: Guddida Diiwaan -gelinta Ururada Siyaasiga ah iyo Ansixinta Axsaabta
Qaranka.

1. Dalka JSL wuxuu yeelanayaa Guddi guud oo madax -banaan, una xilsaaran
diiwaangelinta U rurrada Siyaasada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.
2. Tirada Gudiddu waa 7 (todoba) xubnood oo ugu yaraan mid k a mid ahi sharci-yaqaan
yahay .
3. Gu did du waxay iska dhexdooranaysaa Gudoomiye , Gudoomiye xigeen iyo Xoghaye.
4. Guddid a waxa lagu soo xulanayaa shuruudaha hoos ku qoran: –
b. Inuu Muslin yahay/tahay kuna dhaqmo diinta Islaamka.
t. Inuu Muwaadin yahay /tahay da’diisuna ka yaraan 30 sanno.
j. Inuu/inay jidh ahaan iyo caqli ahaanba u gudan karo xilkiisa.
x. Inuu/inay leeyahay aqoon wax barasho oo gaadhsiisan shahaadada koowaad
ee jaamacadda ( First degree).
kh. In aanu /inaanay hore ugu dhicin xukun ciqaabeed oo Kama dambays ah oo
maxkamad horteed kaga cadaaday shantii sanno ee u dambaysay.

Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada 2011 iyo Wax ka Badalkiisa Hirgelay 131211
www.somalilandlaw.com Bogga 4

d. Inuu/inay yahay xilkas, dhaqankiisa iyo akhlaaqdiisuna toosan yihiin, yahayna
shakhsi ku sifoobay dhex -dhexaadnimo.
r. Inuu/inay leeyahay waayo -aragn imo shaqo iyo maamul oo dhan 5 5 sanno
ugu yaraan.
s. Inuu/inay ku sugnaa /sugnayd dalka JSL labadii sano ee ugu dambeeyay
sixidhiidha ah .
sh. Halka sharci yaqaan waxa u dh eer shuruudahaasi inay leeyahay/leedahay
shuruudaha lagu s oo doorto garsoor ayaasha Maxkamada Sare.
5. Xarunta dhexe ee guddidu waxay ahaanaysaa Hargeysa w axayna ku yeelanayaan
wakiilo gobolada iyo degmooyinka dalka.
6. Guddid u waxay xilka haynayaan muddo (2) lab o sano ah oo ka bilaab anta maalinta ay
M axakamada sare xilka u dhaariso . Madaxweynuhuna waa u cusboonaysiin karaa
hadii loo baahdo, iyada oo muddo kordhintaasi cusub laga ansixin doono Gollaha
Wakiilada.
B . Xubnaha Guddida waxaa xilka lagaga qaadi karaa habka loo maro xilka qaadista
Komishanka Doorashoo yinka Qaranka.
T . Hadii ay dhacdo mudadii xilka Gudida oo aan dhamaan ay isku mar xubnaha
Guddidu baneeyaan jagooyinkoodii, Guddida cusub ee la magaacaabaa waxay
dhamaystirayaan mudadii xilka ka hadhsanayd.
J. Hadii Xubin ka mid ah Guddidu ay banayso xubinimada Guddida, Madaxwaynaha
a yaa badalkeeda soo buuxin doona. Xubinta cusub waxa ay dhamaysan doontaa
m uddo xileedka u hadhsan Guddida.
X . Xubinta/naha cusub waxa ansixinayaa Golaha Wakiilada inta aan xilka loo dhaarin.
7. Madaxweynaha JSL ayaa magacaabaya Gudidda diiwaangalinta ururada siyaasada iyo
axsaabta qaranka.
8. Golaha wakiilada ayaa kalabadh iyo hal (4 1+1) tirada guud ku ogolaanaya gudidda
diwaan galinta urarada siyaasada iyo axsaabta qaranka.
9. Guddidu waxay yeelanayaan gunno la mid ah Gunada Komishanka Qaranka la siiyo .
10. Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa ku dhaarinaya Guddida dhaartan todobaad ka
dib maalinta Golaha Wakiiladu ansixiyo (WAXA IGU WALAAHIYA, BILAAHIYA,
INAANAN KA MID AHAYN KUNA JIRIN UNUG, URUR IYO XISBIYO QARAN TOONA,
KANA MID NOQONEYN URUR IYO XISBI KALE INTAAN XILKA HAYO. UGUNA
ADEEGAYO BULSHADA SOMALILAND CADAALAD, SINAAN IYO DAACADNIMO ).

QAY BTA 4AAD : DIIWAANGELINTA IYO HABRAACA

Qodobka 4 aad: Codsashada Diiwaan -gelinta iyo Qabashada Araajida

1. Guddidu waxay ku baahinaysaa warbaahinta dalka mudada qabashada codsiyada
diiwaangelinta U rurada siyaasadeed, iyo mudada dhamaadka qabashada codsiyada
diiwaangelinta. Mudada qabashada codsiyada diiwaangelintu waa laba bilood
gudahood (lixdan maalmood ) oo ka bilaabmaysa maalinta la bilaa bo baahinta
qabashada codsiyada shan iyo afartan maalmood gudahood (45) oo bilaabmaysa
maalinta la daabaco ama la sii daayo baahinta qabashada codsiyada.

Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada 2011 iyo Wax ka Badalkiisa Hirgelay 131211
www.somalilandlaw.com Bogga 5

2. Urudada siyaasiga ah ee cusub waxay is ka diwaan galinayaan xarunta guud ee Gudida
diwaan galinta ururada siyaasad iyo axsaabta qaranka ee Hargaysa.
3. Urur kasta o o doonaya in loo diiwaangeliyo Urur siyaasadeed waa inuu ku soo qortaa
arji foomka loogu talagalay, kuna soo hagaajiyaa Guddida, kuna lifaaqnaadaan
caddaymaha iyo qoraalada soo socda: –
b) Goortii iyo goobtii u rurku ku qabtey shir kii aasaaska ee ugu horeeyay .
t) Liiska magacyada aasaasay aasha ururka iyo ha bkii loo doortey .
j) Liiska magacyada hogaanka, gudid da fulinta iyo golaha dhexe oo gudoomiyaha
ama ku-xigeenku soo sexeexay .
x) Qaab -dhismeedka ururka oo ay ku caddahay magaca ururka oo dhan iyo habka
uu u qormayo m arka la soo gaabiyo iyo astaanta ururka.
kh) Caddeyn bixin cashuurta diwaan gaklinta oo dhan 150, 000,000 (Boqol iyo
konton milyan ) shilin Som aliland .
d) Waxaa waajib ah in lacagta cashuurtu cadahay in la wadaagey oo aysan ka
bixin gacan qudha, waxaana dabagal ku samaynaya Guddida Diiwaan- gelinta.
r) Xis biyada qaran ee haysata shahaadada xisbi nimo laga ma qaadayo cashuurta
diwaan galin ta.
s) mudada liisanka ee xisbi qaran waa toban (10) sano oo ka bilaabma taariikhda
liisanka la siiyay.

Qodobka 5 aad: X isbiyadda Qaran iyo Urarada ku meel gaadh ka ah

1. Markay dhamaato mudada qab ashada araajida diiwaangelinta U rurrada, Gudiddu
diwaangalintauruada siyaasiga ah iyo ansixinta axsaabta Qaranka waxay hubinaysaa
ururada buuxiyey shuruudihii looga baahnaa, waxayna siinayaan ogolaansho ku
meelgaadh ah oo uu ururkaasi ku hawlgalo.
2. Mudada hawl -galada ururada siyaasadeed waa 6 bilood oo ka bilaabanta taariikhda
ogolaanshaha ku meel gaadhka ah la siiyey. Muddada hawlgalada ururada
siyaasadeed waa lix (6) bilood gudahood waqtigana waxaa cayimaya Guddida
Diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Anxisinta Axsaabta Qaranka iyaga oo la
tashanaya Guddida Doorashooyinka Qaranka.
3. Xisbi/Urur kasta waa inuu ku keenaa m udada ku xusan Faqrada 2aad ee Q odobkan
qoraalada iyo caddeymaha soo socda:-
b. Q abashadii shirweynaha ee Ururka ama xisbiga, meeshii uu ku qabtey, taariikhduu
qabsoomay iyo wixii ugu weynaa ee ay qabteen, Sida liiska magacyada xubnaha
golaha dhexe, Golaha Fulinta iyo magacyada hogaanka xisbiga.
t. Ca ddeyn in Ururkaasi ku leeyahay laamo hawlgal a h, ugana diiwaan- gashan yihiin
ugu yaraan 1000 ( Kun qof) xubnood gobol kas ta, kuwaas oo haysta warqda
aqoonsiga muwaadinimo oo sharci ah .
j. Muddada liisanka ee xisbi qaran waa toban (10) sano oo ka bilaabanta taariikhda
liisanka la siiyay.
4. Urur ka la siiyo ogolaansho ku meel gaadh ah oo uu ku hawl -galo, waa in Guddidu siisaa
a far (4) nuqul oo xeerkan ah
5. Xisbi/urur kasta oo siyaasadeed waa in xeerkiisa ku caddahay ku dhaqanka
dimoqraadiyadda, tallo -wadaaga iyo maamul wanaag.

Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada 2011 iyo Wax ka Badalkiisa Hirgelay 131211
www.somalilandlaw.com Bogga 6

6. Urur k asta waa inuu gudid da u keeno 3 nuqul oo daabacan oo ah xeer kiisa iyo
cinwaanadiisa gobo lada iyo degmooyinka dalka.
7. Xisbi /urur kasta waa in xeerarkiisu waafaqsan yahay Dastuurka iyo X eerarka dalka JSL.
8. Xisbi/Urur kasta waa inuu xubin ka noqon karo qof kasta oo Somalilander ahi
9. Ururka siyaasadeed ee loo ansixiyo xisbi, kuma biiri karo Xisbi ka le doorashooyinka ka
hor iyo kadib, sidoo kale waa iney xeerkiisa ku caddaataa inaan laga saari karin/eryi
k arin xisbiga xubin ama xubno loo doortey G olayaasha sharciga ah haadii aanay ka hor
imanayn xeerar ka dalka iyo xeerka xisbiga.
10. Xisbi kasta oo siyaasadeed waa inay barnaamijkiisa ku caddaato qorshayaashan: –
b. Sugidda nabadgelyada, deganaanshaha iyo xasiloonidda dalka.
t. Horumarinta waxbarashada iyo Diinta
j. Horumarinta caafimaadka iyo fayo -dhawrka.
x. Daryeelka iyo ilaalinta degaanka.
kh . Dhaqaaleynta iyo soo saaridda k heyraadka dabiiciga ah ee dalka
d. Horumarinta cilmiga iyo teknoolajiyada.
r. D hiiri gelinta dhalinyarada iyo haweenka ee ka qayb qaadashada siyaasada
dalka.
s. Ilaalinta Dastuurka iyo xeerarka dalka.

Qodobka 6aad : K ala reebida Xisbiyada /Ururda ku tartama doorashada Deegaanka

1. Saddexda xisbi/U rur ee doorashada Dawladaha Hoose ka hela 2 0% codadka gobol
kasta ayaa loo aqoonsanayaa Xisbi qaran , lana siinayaa shahaadada aqoonsiga xisbi.
2. Haddii hal xisbi oo keliya ku guulaysto doorashada oo uu ka helo 2 0% codadka gobol
kasta, Guddidu waxay u aqoonsanaysaa xisbiyo Qaran isaga iyo labada Xisbi ee ku xiga
isu gaynta codadka boqolayda gobol kasta.
3. Hadii ay is leekaato tirada Boqoleyda G obolada ee laba Urur ama ka badan waxaa lagu
kala saarayaa. Sida ay u gu kala Bataan tiradada guud ee codad ka .
4. Haddii ururada siyaasadeed midna gaadhi waayo 2 0% waxay Guddidu u
aqoonsanayaan Xisbiyo Qaran saddexda Xisbi ee ugu tirada badan codadka
doorashoonyinka boqolayda gobolada dalka.
5. Tobankii (10) sannadoodba mar baa la abuuri karaa Urur Siyaasadeed si waafaqsan
Xeerkan. Hase -ahaatee waa in Urur Siyaasadeed la abuuraa ugu yaraan 6 (lix) bilood ka
hor maalinta la qabanaayo doorashada Goleyaasha Deegaanka.
Qodobka 7 aad: Waxyaabaha ka reebban Xisbiyada/Ururada

1. Waxaa ka reebban xisbi/urur kasta inuu u soo gudbiyo Guddida war bixin been ah ama
khaldan.
2. Xisbina kama muuqan karto xeerarkiisa qodob ama qodobo ka hor imanaya Dastuurka
iyo Shareecada Islaamka.
3. Xisbi/Urur kasta waxaa ka reebban inuu dhaqaale ka helo illo shisheeye .
4. Xisbi/urur kasta waxaa ka reebban inuu hantida qaranka Somaliland u adeegsado ama
u isticmaalo hawlihiisa u gaarka ah ee doorashooyinka.

Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada 2011 iyo Wax ka Badalkiisa Hirgelay 131211
www.somalilandlaw.com Bogga 7

5. Xisbi/urur kasta waxaa ka reebban inuu adeegsado koox ama ciidan hubaysan oo uu
ku fushado danihiisa gaarka ah.

Qodobka 8 aad: Xuquuqda Xisbiyadd a Qaran ka

1) Xisbiyada Qaran ka ee la siiyey shahaadada xisbinimo siyaasadeed, waxay xaq u
leeyihiin:
b. Inay si siman u adeegsadaan warbaahinta qaranka, waxayna yeelan karaan
Warbaahin u gaar ah markey ogolaansho ka helaan hay’adaha ku shaqada leh.
t. Inay si xor ah u gudbiyaan afkaartooda siyaasadeed iyagoon wax u dhimayn
xasiloonida iyo nabadgelyada guud ee dalka.
j. inaan la cabudhinkarin mas -uuliyiinta xisbiyada ciidamada amaankuna aanay gali
k arin xarumohooda ilaa ogolaasho laga helo Maxkamadda awooda u leh ,
x. xisbiyada Qaranka ee mucaaridka ahi way dhaliili karaan xukuumada
k h. Xisbiyadu wixii dacwad ama cabashooyin ay ka tawdaan shaqada Guddida diwaan
galinta ururada siyaasada iyo ansixinta axsaabta Qaranka waxay qoraal ahaa n ugu
gudbinayaan maxkamadda gobolka ay cabashadu ka jirto.
d. Haddii ay ku qanci waayaan go’aanka maxkamadda gobolku ka soo saarto , waxay
racfaan uga qaadanayaan Maxkamadda Das tuuriga ah
r. X ibiyada qaranku way yeelan karaan hanti gaar ah.

Qodobka 9aad : Xuquuqda Muwaadiniinta

Muwaaddin kasta oo qaangaadh ah , wuxuu xaq u leeyahay: –
1. In uu/inay ka qayb -qaato hawlaha siyaasadda.
2. In uu/inay ku biiri karo xisbi ama urur siyaasadeed kuu/kay doorto .
3. Xubnaha ururku ama xisbigu waxay leeyihiin xuquuqo isku mid ah xaqa doorashada
iyo codayntaba marka lagu guda jiro xilliga doorashada xisbiga/ururka gudihiisa.
4. Xubi n kasta oo doonaysa in ay ka baxdo xil xisbi ama urur.
b) Waa in xubinta xisbiga/ururku u soo gudbisaa arjiga is casilaada.
t) Waa in xisbiga /ururku ku aqbalaa ama ku diidaa 14 maalmood gudahood is
casilaada xubinta.
5. Xubinina kama wada tirsanaan karto laba Xisbi/Urur ama Xisbi iyo Urur isla wakhti
keliya.

Qodobka 10 aad: Sababaha Lagu Waayi Karo Xubinnimada

Xubin ka tirsan Xisbi ama Urur waxaa laga saari karaa oo keliya marka:
b) Ay s amaysato urur kale
t) Ay Ka qayb -qa adato urur kale oo la samaynayo
j) Ay Ku biirto urur kale ama si caam ah ugu olo laysa samaysiga urur kale
x) A y ku gafto x eerka u yaalla xisbiga/u rurka

Qodobka 11 aad: Mushari xiinta u Tartamaysa D oorashooyinka Golaha Wakiilada iyo
deegaanka

Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada 2011 iyo Wax ka Badalkiisa Hirgelay 131211
www.somalilandlaw.com Bogga 8

1) Qof kasta oo muwaadin Somaliland ahi wuxuu xaq u leeyahay in la doorto, waxna
dooran karo, hase yeeshee waxaa musharax noqon kara: –
b. Muwaadin Somaliland ah, xisbina soo sharaxay, buuxiyeyna shuruudaha Xeerku
jideeyey.
t. Ma banana in musharax madax -banaan oo aan m agac xisbi wadanin isa soo sharaxo.
2 ) G udidda fulinta ee xisbiyada ayaa soo magacaabaya musharixiinta uga qayb galaya
doorashada Golaha Wakiiladda.
3) Gudidda Xisbiga ee Gobol kasta ayaa soo magacaabaya musharaxiinta heerka
degmooyinka.
4) Mar kasta oo la furayo tartanka ururada siyaasada ee G/Degaanka lix bilood ka hor,
muddanaha ka tirsan Golaha Wakiilada ama Golayaasha Degaanka waxaa u bannan
inuu furan karo Urur siyaasaded oo cusub ama uu ku biiri karo urur/xisbi siyaasadeed
ee uu doono.

Qodobka 12aad : Mudada xilka Madexweynaha iyo Gudoomiyaha X isbiga

1. Qofna jagada madexweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan.
2. Xis bi qaran jagada gudoomiyaha xisbiga uma sharixi karo xubin laba xildoorasho wax
ka badan .

QAYTA 5AAD : XEER -HOOSAADKA, QAAB -DHIMEEDKA IYO SHAQADA URURRADA
SIYAASADDA

Qodobka 13 aad: Xeer -hoosaadka iyo Qaab -dhismeedka Ururrada Siyaasadda

Xeer -hoosaadka Ururrada Siyaasadda waa in ay ku cad yihiin waxyaalahani: –
1. Magaca Ururka oo dhamaystiran .
2. Ujeeddooyinka Ururka .
3. Qaab -dhismeedka Ururka iyo Waaxyaha uu ka kooban yahay.
4. Xarunta dhexe ee Ururka oo ah Somali land gudaheeda .
5. Q aabka lagu soo doorto ama lagu beddeli karo, muddada xilka ee mas’uuliyiinta.
Ururka .
6. Shuruudaha Xubinta lagu noqon karo iyo sababta lagu waayi karo, iyo iscas ilaadda
xubinta ama mas’uulka
7. Qodobbo khuseeya sida Xeer -hoosaadka Ururka wax lo oga beddeli karo .
Qodobka 14 aad: Reebbanaan

Uma banaana qof kasta oo ka tirsan Ciidammada Qalabka sida: Ciidanka qaran, Booliska,
Ciidanka Asluubta, hay’adaha sirdoonka qaranka, Ururada aan Dawliga ahayn , shaqaalaha
dowlada (civil servant) iyo x ubnaha ka tirsan Garsoorka, Xeer-ilaalinta, iyo gudidda
diwaan galinta ururada siyaasada iyo ansixinta xisbiyada qaranka in ay:
1. Samaystaan Urur Siyaasadeed iyo xubin ka- noqoshadiisaba .
2. In loo magacaabo xafiis Urur S iyaasadeed.

Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada 2011 iyo Wax ka Badalkiisa Hirgelay 131211
www.somalilandlaw.com Bogga 9

3. Ku lug -yeelat o arrimo A xsaab/Urur oo luminaaya dhex -dhexaadnimada xafiiska uu
joogo.
4. T aageerid ama ka- soo-hor -jeedsi Xisbi/Urur S iyaadadeed.

Qodobka 15 aad: Astaamaha iyo Magacyada

Ururna ma isticmaali karo astaan ama magac uu hore u isticmaalay Urur kale, xisbi,
Hay’adaha Dawladda ama Qaranka Somaliland.

Qodobka 16 aad: Hoggaamiyeyaasha Xisbi/Urur Siyaasadeed

Qofka isu sharraxaaya hogaanka Xisbi/Urur Siyaasadeed waa in uu buuxiyo shuruudahan:
1. Waa in uu/inay yah ay muwaaddin reer Somaliland ah.
2. Waa in /inay ay da’diisu tahay ugu yaraan 3 0 jir .
3. Waa in /inay aanu ku dhicin xukun maxkamadeed oo ah fal- dambiyeed uu gaystay
oo ka badan 3 (saddex) sanno 5tii sanno ee u dambaysay marka laga reebo in
Madexw eynaha JSL uu siiyay cafis.
4. Waa in /inay uu yahay qof muslin ah kuna dhaqma diinta islaamka.

Qodobka 1 7aad : Isbeddelka Hoggaanka iyo shuruucda Xisbiga/Ururka

1. Isbeddel kasta oo lagu sameeyo hoggaanka, shuruucda iyo Qaab -dhismeedka
Xisbiga/Ururka waa in laga sheego warbaahinta ugu badnaan 15 maalmood ka dib
marka uu Xisbigu/Ururku qabsado shirka uu ku gaadhay go’aanka isbe ddelkaas.
2. Isla markaana w aa in qoraal rasmi ah oo arrintaa ku saabsan loo diro xeer- ilaalinta iyo
komishanka do orashooyinka qaranka mudo aan ka badnayn 15 maalmood .

QAYBTA 6AAD : WARBAAHINTA IYO HANTIDA XISBI/URUR SIYAASADEED

QODOBKA 18AAD : WARBAAHINTA XISBIGA AMA URURKA

1. Xisbi/Urur Siyaasadeed waxa uu xaq u leeyahay i n uu abuuro Warbaahin uu gaar ah si
waafaqsan shuruucda iyo xeerarka dalka ee khuseeya warbaahinta gaarka a h.
2. Xisbi/Urur Siyaasadeed waxa ka mamnuuc ah in ay faafiyaan, daabacaan ama
baahiyaan warar been ah , isla markaana abuuraaya kicin iyo iska- hor imaad
dadweyne, wiiqaaya midnimada dalka, ama waxyeello u gaysanaaya nabadgelyada
guud.
3. Xisbiyada/Uru rada Siyaasaddu waxay si siman u isticmaalayaan warbaahinta ay
Dawladdu maamusho wakhtiga ololaha doorashooyinka Qaranka.

Qodobka 1 9aad : Hantida Xisbi/Urur

Hantida Xisbi/Urur waxa ay ka iman kartaa: 1. Qaadhaanka ay xubnaha Xisbi/Urur bixiyaan.

Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada 2011 iyo Wax ka Badalkiisa Hirgelay 131211
www.somalilandlaw.com Bogga 10

2. Deeqda la siiyay Xisbiga/Ururka waa in ay ka timaado shirkado wadani ah, ama
muwaadiniin reer Somaliland ah.
3. Kaalmo ay si siman u bixisay xukuumadu .

QAYBTA 7AAD : XISBIYADA SIYAASADDA EE JIRA

Qodobka 20 aad: Shakhsiyadda Qaanuuniga ah ee Xisbiyada

1. Saddexda xisbiyo Qaran ee loo aqoonsado xisbiyo qaran waxa ay leeyihiin Shakhsiyad
Qaanuuni ah (Legal Personality).
2. Xisbiyada Siyaasaddu waxa ay xaq u leeyihiin in ay u tartamaan Doorashooyinka
Deegaanka ee soo socda. Haseyeeshee waa in ay Gudida diwaan -gelinta u soo
gudbiyaan waxyaalah an:-
a. Magaca Xisbiga oo dhamaystiran
t. Ujeeddooyinka Xisbiga;
j. Qaab -dhismeedka Xisbiga iyo Waaxyaha uu ka kooban yahay
x. Xarunta dhexe ee Xisbiga oo ah Somaliland gudaheeda
k h. Q aabka lagu soo doorto ama lagu beddeli karo, muddada xilka ee mas’uuliyiinta
Xisbiga,
d. Shuruudaha Xubinta lagu noqon karo iyo sababta lagu waayi karo, iyo
isc asilaadda xubinta ama mas’uulka.
r. Qodobbo khuseeya sida Xeer -hoosaadka Xisbiga wax looga beddeli karo .

Qodobka 21 aad: Ganaaxa ku xad -gudubka xeerka

Gudi ddu waxa ay ganaax lacag eed oo dhan Sodon milya n oo shillinka Somaliland ah
( 30,000,000 SL/Sh ) ku soo rogayaa Xisbiga/Ururka ku xad -gudba Xeerkan.

QAYBTA 8AAD

Qodobka 2 2aad : Waxyaabaha ka reeban adeegsiga deeqaha da wladda siiso Xisbiyada

Deeqaha dawladda looma isticmaali karo s i toos ah ama si dadban in loogu qorsheeyo
samaynta ganacsi gaar loo leeyahay, ha ahaato hanti guurto ah ama tu ma -guurto ahba.

Qodobka 23aad : Xisaab xidh

1. Xisbi Qaran kastaa waxaa uu samaynayaa xisaab xidh sanadedd (dakhli iyo kharash)
uu soo cadeeyay ha nti dhawre madex banaan, waxaana loo gudbinayaa komishanka
doorashooyinka Q aranka ugu danbayn 31 March ee sanad kasta.
2. Hanti dhawraha madaxa banaan waxaa codsanaya hawlgalkiisa komishanka
Dooroshooyinka Qaranka ama Guddida Diiwaangleinta Ururada.

QAYBTA 9AAD : QODOBBO KALA DUWAN

Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada 2011 iyo Wax ka Badalkiisa Hirgelay 131211
www.somalilandlaw.com Bogga 11

Qodobka 2 4aad : Xisbiga Dhaca ama Ururka U Gudbi Waaya Xisbi

1. Xisbi ka sta /Urur oo ku guula ysan waaya doorashada Golaya asha deegaanka waxay ku
biirayaan iyaga iyo Xubnahood a golayaasha deegaanka ee ay ka helaan degmooyinka
dalka saddexda xisbi qaran ee soo baxay kay doonaan, waxayna qoraal ahaan ugu
gubinayaan Gudidda Diiwaangalinta mudo aan ka badnayn hal bil (30 maalmood ).
2. Hadii xisbigii mud anaha Golaha wakiilad u uu ka tirsanaa ku dhaco t artarka Ururada iyo
X isbiyada waxaa mudanuhu ku biiri karaa xisbiga uu doort o, wuxuuna dhamaysanayaa
mudo xil eed ka u hadhsan .
3. Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu waxay dhamaysanayaan mudada xilkooda inta uga
hadhsan hadii xisbigoodu soo bixi waayo waxaana u furan inay galaan xisbigay
doonaan.

Qodobka 2 5aad: Tayaynta iyo habaynta xisbiyada Q aranka

1. Xis biyada Qaranka ee Doorashada ku guulaystaa waa in ay ku dhaqmaan maa -mul
wanaag iyo dimuquraaduayad dhexdooda ah, waana in awooda loo siman yahay.
Talada xisbigana waa in mar kasta lagu go’aan qaataa qaabka uu dhigaayo xeer
hoosaadka.
2. Shirweynaha Xisbi Qaran waxaa la qabanayaa 5 (shantii sano) hal mar waxaana la
baahinayaa lixdan (60) maalmood ka hor.
3. Shirka xisbi ee golaha dhexe waxaa la qabanayaa halkii sanaba mar waxana la
baahinayaa 30 casho ka hor.
4. Shir waynaha xisbiga waxa lagu soo dooranaya.
b. Xubnaha hogaanka xisbiga iyo guddida fulinta
t. Xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga
j. Waxaa lagu ansixinayaa barnaamijka iyo xeer -hoosaadka xisbiga.
5. Liiska xubnaha golaha fulinta iyo golaha dhexe ee xisbi iyo nuqul xeer-hoosaadkooda
ah waxaa loo gudbinayaa xeer- ilaalinta, komishanka doorashooyinka qaranka iyo
gudida diwaan gelinta mudo aan ka badnayn 30 maalmood shirwaynaha ka kib .
6. Hogaanka xis biga, Guddida fulinta iyo xubin golaha dhexe waxaa xilka qaadistooda
soo jeedin kara .
b) 1 /3 xubnaha golaha dhexe ee xisbiga.
t) Gudoomiyaha xisbiga.
j) Is -casilaad .
Waxaana cod kala- badh iyo hal ku ansixinaya xubnaha golaha dhexe ee xisbiga.
7. Gudidda diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Q aranka ayaa
xisbiyada dhexdooda ku ilaalinaya Dimuqraadiyada, iyagoo war bixintooda u soo
gudbinaya Golaha Wakiiladda marka loo baahdo.
8. Marka mudo xileedka Gudidda diwaan gelinta Ururada Siyaasada iyo A nsixinta
Xisbiyada Qaranka uu dhamaado waxaa shaqadooda la wareegaya komishanka
doorashooyinka qaranka.

Qodobka 2 6aad : Soo Saaridda Xeer -Nidaamiye (Power to Issue Regulations)

Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada 2011 iyo Wax ka Badalkiisa Hirgelay 131211
www.somalilandlaw.com Bogga 12

Gudida D iwaangelinta Ururadda Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbayada Qaranku waxa uu
awood u leeya hay in uu soo saaro Xeer- nidaamiye (Regulations), Xeerka Hab -dhaqanka
(Code of Conduct) iyo Awaamiir (Directives) aan ka hor imanayn xeerka .

Qodobka 27aad : Laalis

1. Xeerka Nidaamka Urur rada iyo Axsaabta Siyaasadda (Xeer Lr. 14/2000) waxaa badalay
Xeer Lr..14/2011
2. Xeer kasta oo ka s oo horjeeda Xeerkani waa waxba k ama jiraan (null and void).

Qodobka 2 8aad : Dhaqan- galka

Xeerkani waxa uu dhaqan -gelayaa marka ay Goleyaasha Xeer -dejintu ansixiyaan
Madaxweynuhuna saxeexo.

Qodobka 29aad: Khilaafaadka ka Dhasha Xisbi/Urur Dhexdii ama Laba Urur/Xisbi

1. Haddii xubnaha xisbi ama urur isku khilaafaan hogaanka ama u kala jabaan laba
meelood iyo wax ka badan, hay’adaha xisbigu/ururkuna xalin kari waayaan khilaafka,
waxa dhinicii danaynayaa dacwad u gubinayaa Gudidda Diwaan- gelinta Ururada iyo
Ansixinta Axsaabta Qaranka.
2. Gudiga diiwaan gelintu markuu helo dacwadda ku xusan farqadda 1aad ee
Qodobkan, wuxuu ka soo saarayaa go’aan ku salaysan Xeerka Nidaamka Ururada iyo
Axsaabta Siyaasadeed ee Xeer lam. 14/2011 iyo dastuurka xisbiga/ururka hogaankiisa
laysku haysto ee laga diiwaan geliyey Guddida Diiwaan- gelinta.
3. Dhinicii ku qanci waaya go’aanka gudidda diiwaan gelinta waxaa u bannaan in uu
racfaan u qaato Maxkamadda Sare, xukunkeeduna wuxuu noqonayaa kama dambays.
4. Haddii dhinacyada is hayaa la yimaadaan laba dastuur oo is khilaafsan oo loo
sameeyey ururka/ xisbiga hogaankiisa laysku haysto, waxaa la tixgelinayaa dastuurka
laga diiwaan geliyey guddida diiwaan gelinta ee lagu aqoonsaday ururka/xisbiga.
5. Haddii khilaafka farqadaha hore ku qorani yimaado inta aan ururka la diiwaan gelin
ee aan aqoonsiga la siin, gudidda diiwaan- gelintu ma diiwaan gelinayso magaca
ururka hogaankiisa laysku khilaafay.
6. Dhinacyadana waxaa u banaan in mid waliba gaarkiisa u samaysto urur kale oo aan la
hayn magacii laysku qabsaday.
7. Haddii laba urur ama urur iyo xisbi isku qabsadaan magaca ama astaanta diiwaan-
gelinta ka dib, waxaa loo aqoonsanayaa in uu leeyahay magacaas ama astaantaas
kan Gudiddu u diiwaan gelisey ama loo hor diiwaan geliyey.

C/risaaq Siciid Ayaan le C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirr o
Xog .Guud ee Golaha Wakiilada Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JS L
……………………………………….. …………………………………………………

Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada 2011 iyo Wax ka Badalkiisa Hirgelay 131211
www.somalilandlaw.com Bogga 13

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

REF: JSL/M/XERM/219 -683/082011 DATE: 20/08/11

XEER MADAXWEYNE NO. 0168/082011

DHAQAN -GALKA XEER LR. 14/2011

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Helay: Go’aanka Golaha Wakiilada JSL ee Go’aan Lr. GW/KF -15/534/2011, ee
Ansixinta Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda,
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Wuxuu Soo Saaray,
Dhaqan-galka Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda ee Jamhuuriyadda
Somaliland ee Xeer Lr. 14/2011.

Alla Mahad Leh

Ahmed Maxamed Silanyo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada 2011 iyo Wax ka Badalkiisa Hirgelay 131211
www.somalilandlaw.com Bogga 14

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

REF: JSL/M/XERM/249 -804/122011 DATE: 13/12/11

XEER MADAXWE YNE NO. 0179/122011

Dhaqan-galka Wax Ka Bedelka yo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururada Nidaamka Ururada
iyo Axsaabta Siyaasad
Xeer L r. 14/2011

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland;

Markuu Helay: Go’aanka Golaha Wakiilada JSL ee Go’aan Lr. GW/KF -16/549/2011, ee
Ansixinta wax ka bedelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururadda iyo
Axsaabta Siyaasadda;

Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland ;
Wuxuu soo saaray:-

Dhaqan -galka wax ka Bedelka iyo Kaabista xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxaabta
Siyaasadda ee Jamhuuriyada Somaliland ee Xeer Lr. 14/2011 ee Qodobadan hoos ku
xusan: –

Qodobka 3aad, Faqradiisa 6aad, Xarfaha B,T,J.X
Qodobka 4aad, farqadiisa 1aad
Qodobka 4aad, Farqadiisa 3aad
Qodobka 5aad, Farqadiisa 2aad
Qodobka 5aad, Faqradiisa 3aad, xarafka J
Qodobka 11aad, Farqadiisa 4aad
Qodobka 23aad, Farqadiisa 2aad iyo
Qodobka Cusub oo ah Qodobka 29aad

ALLAA MAHAD LEH

Ahmed Maxamed Silanyo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland