Law on Non-Governmental Welfare Organizations (Somaliland)

For optimal readability, we highly recommend downloading the document PDF, which you can do below.

Document Information:


GOLAHA WAKIILADA

XEERKA URURRADA
SAMAFALKA AAN DAWLIGA
AHAYN

XEER/N0. 43/2010

2

G OLAHA W AKIILADDA J.S.L.

Markuu Arkay : Qodobada 10aad, 23aad , 39aad, iyo 78aad Dastuurka
Qaranka JSL .

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in la helo Xeer si hufan loogu maamulo
ururadda Samafalka ee aan Dawliga ahayn

Markuu Tixgeliyay Dooddii Mudanayaasha Golaha Wakiilada JSL

Markuu u codeeyey Wax -ka bedelkii Golaha Guurtida ay ku soo sameeyeen
Qodobo ka mid ah Xeerkan

WUXUU ANSIXIYAY XEERKAN:

Qodobka 1 aad
Qeexidda erayada

Haddii aan si kale loogu sheegin nuxurka xeerkan, erayadan waxa loola jeeda a
sidan hoos ku qoran:

“Urur Samafalka aan Dawli Ahayn” (USDA) waxa loola jeedaa shakhsiyaad
iskood isku diray ama isu abaabulay ama isu -bahaystay, kana madax -bannaan
dhaqdhaqaaq siyaasadeed, dhex -dhexaad ah, oo aan macaash doon ahayn.
Kuwaas oo noqon kara heer Caalami, Qaran, Gobol, Degmo iyo tuulo
(community -based organization). ururadda as oo uu dhisan inay u adeegaan
xubnahooda iyo bulshadaba kana shaqeeya hagaajinta adeegyada bulshada
(social services), xaaladaha bani’adamnimo ee deg -degga ah ( humanitarian
issues), horumarinta, ilaalinta deegaanka iyo kheyraadka dabiiciga ah, maamul –
wanaagga, ilaalinta xuquuqda, daryeelka iyo kor -u-qaaddida nolosha bulshada
(livelihoods), tababarrada aqooneed iyo kobcinta ta yada iyo hourmarinta.

“Aan Macaash -doon ahayn” Waxa loola jeedaa ka durugsan dheefsasho ama
faa’iido shakhsi -ahaaneed, waxa se jiri kara shaqaale qaata mushaha r ama

3

dhaqdhaqaaq dakhli -abuurineed oo faa’iidadeeda lagu celin doono horumarinta
bulshada iyadoo loo maraayo wax -qabadka ururadda aan Dawliga ahayn (USDA).

“Ka madax -bannaan dhaqdhaqaaq siyaasadeed” Waxa loola jeedaa
uru ra dda inaanay raadsan awood siyaasadeed (political power) isla markaana
aanay u ololeyn xisbiyo siyaasadeed
“Ururrada aan Dawli ahayn ee Caalamiga ah (USDAC) waxa l oola jeedaa
Ururrada aan Dawliga ahayn shisheeye ee ka sharciyeysan wax kabadan hal dal
oo shisheeye.

“ururadda aan Dawliga ahayn ee shisheeye (USDASH)”: waxaa loola
jeedaa ururadda aan Dawliga ahayn ee ka sharciyaysan hal dal oo shisheeye

“ururadda aan Dawliga ahayn ee Waddaniga ah (USDAW) waxa loola
jeedaa ururadda Waddaniga/sokeeye ee ka diiwaan gashan dalka kana hawl gala
dalka.

“Guddi” Waxaa loola jeedaa Guddiga la-tashiga arrimaha Ururarada Samafalka
aan Dawliga Ahayn ( USDA ) ee lagu sharciyeeyay x eerkan oo hoos imanaya
Qodobka 6aad .

“Dan -Wadaag” waxa loola jeedaa ardaa kulmiya Ururrada aan Dawliga Ahayn
ee wadaniga (USDAW) ah oo lagu sharciyeeyay si waafaqsan Qodobka 22aad .

“diiwaan -geliye Guud” waxa loola jeedaa Agaasimaha isu -duwidda Ururrada
aan Dawliga Ahayn (USDA) oo lagu magacaabay si waafaqsan Qodobka 4aad ee
Xeerkan

“diiwaan -geliye” Waxaa loola jeedaa diiwaan -geliye Qaran, Gobol ama Degmo.

“Wasiir” Waxaa loola jee da Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo horumarinta
Qaranka JSL .

“Wasaarad” Waxa loola jeeda a Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta
qaranka JSL.
“diiwaan ” waxaa loola jeedaa diiwaanka lagu keydiyo xogaha ururadda aan
Dawliga Ahayn.

“Sarkaal Xukuumadeed” waxaa loola jeedaa mas’uul Xukuumadeed oo lagu
magacaabay Qodobk a 4aad , xubintiisa 1 aad iyo Qodobka 19 aad ee xeerkan

Qodobka 2 aad
Magaca xeerka

4

1. Xeerka waxaa loogu yeedhayaa hadda ka dib xeerka ururad da Samafalka
aan dawliga ahayn (USDA).
2. Xeerkan waxaa lag u maamulayaa urur kasta oo aan d awli aha yn,
madaxabanaan, maca ash doon ahayn, oo ka kooban ururadda aan
dawliga ahayn ee wa daniga ah (USDAW), ururadda aan dawliga ahayn ee
dalalka shisheeye (USDASH) iyo ururadda aan dawliga ahayn ee Caalimiga
ah (USDAC).
3. Waxaa kaloo xeerkan hoos imanaya dalladaha (Umbrellas), midawga iyo
bah -wadaagaha ururadda as aan dawliga ahayn.
4. Xeerkan ma hoos imanayaan hay’adaha Qaramada Midoobay;Urarada
xirfadeed ama mihnadeed, ururadda bulsho ee aan samafalka hawshoodu
la xidhiidhin, ururadda ganacsi, wershadeed ama shaqaale.

Qodobka 3aad
Ulajeedooyinka Xeerkan:

1. Inu u dhiiri -geliyo sidii ururadda samafalka ee aan dawliga aheyni, si hufan
oo mug -leh uga qeyb -qaadan lahayeen, horumarka dalka.
2. In laga dhigo ururadda ha’yado sharci ah (legal Personality).
3. In la iskuduwo hawlaha horumarka ee ay uruada bulshada ee aan dawliga
aheyni qabtaan si loo waafajiyo qorsha qaranka iyo siyaasada dalka ee ku
wajahan horummarka d alka.
4. In la dhiirigeliyo ururaro bulsho oo xoog ah oo madaxbanaan.
5. In l oo hagaajiyo si daacad ah iyo la xisaabtankooda (Transpare ncy &
Accountablity) -ga USDA.

QEYBTA 2aad

MAAMULKA IYO ISU -DUWIDDA URURADDA AAN DAWLIGA
AHAYN

Qodobka 4aad
Magacaabista diiwaan -gelyaha Guud

1. Wasiirku waxa uu magacaabi doonaa sarka al Xukuumadeed oo noqon
doona diiwaan -geliyaha Guud ee ururadda aan dawliga ahayn

5

2. diiwaan -geliyaha Guud ee ururadda aan dawliga ahayni waxa uu derejo
ahaan noqon doonaa Agaasime qaabilsan ururadda aan dawliga ahayn iyo
xidhii dhka u dhexeeya xukuumadda iyo u ruraddaa

Qodobka 5aad:
Xilalka iyo waajibaadka diiwaa n-geliyaha Guud

1. diiwaan -geliyaha Guud waxa uu noqon doonaa Xoghayaha Guddiga la –
tashiga;

2. Xilka iyo waajibaadka d iiwaan -geliyaha Guud waxa ay noqon doonaan:

a. In uu talo ka bixiyo dhinacyada hab -dhaqanka, siyaasad da (Policy)
iyo arrimaha kale ee la xidhiid ha ururadda aan dawliga ahayn.
b. In uu xaqiijiyo dhaqan -ge linta xeerkan.
c. In uu xaqiijiyo sharcinimada ururadda aan dawliga ahayn.
d. In uu dhiirigeliyo is -kaashiga uu la leeyahay qaybaha w asaaradaha
iyo xafiisyada ee la xidhiidha arrimaha ururadda aan dawliga ahayn
e. In uu diiwaan -geliyo ururadda aan dawliga ahayn.
f. In uu hayo, isla markaana xafido diiwaanka ururadda aan dawliga
ahayn.
g. In uu keydiyo war -bixinaha iyo dhukumentiyadda la xidhiidha
ururadda aan dawliga ahayn;
h. In uu si habsami ah u maamulo shaqaalaha waaxdiisa hoos
yimaada .
i. In uu galo waajibaadka xoghaynimo ee Guddiga.

Qodobka 6 aad
Magacaabista Guddi la -tashi

1. Waxaa la magacaabi doonaa Guddigga wada -tashiga ee ururadda aan
dawliga ahayn (Consultative Committee of non -governmental
organizations) oo h alkan loogu yeedhi doono “Guddiga wada -tashiga”.
2. Habka magacaabista Guddigaa, meelaha ay ka kala imanayaan, qaab –
dhismeedkooda, muddada xilkooda iyo xeer -hoosaadkooda, waxaa xeer –
nidaamiye faahfaahinaya arrimahaa ka soo saari doona Wasiirka
Wasaaradda Qors haynta iyo horumarinta Qaranka , kaas oo aan ka hor
imayan xeerkan.

Qodobka 7 aad
Waajibaadka Guddiga la -tashiga

6

1. Xilalka Guddiga wada -tashiga waxa ka mid noqon doona: –

a. In uu fududeeyo horumarka iyo hirgelinta hab -dhaqanka iyo
siyaa sadda (policy) ururad da aan dawliga ahayn
b. In uu fududeeyo wax -qabashooy inka ururadda aan dawliga
ahayn
c. In uu darso war -bixin sanadeedka ururadda aan dawliga ahayn,
talooyina ka soo jeediyo;
d. In uu Xukuumadda kala taliy o hawl -gallada ururadda aan
dawliga ahayn iyo doorkoo da k a qayb -qaadashada
horoumarineed
e. In uu u tilmaamo ururadda aan dawliga ahayn siyaasadda
hagaysa (policy guidelines) isna waafaji yaan wax –
qabadkooda horumarineed ee waafaqsan qorshaha Qaranka;
f. In uu fududeeyo is -waraysiga iyo wada -tashiga isla mar kaana
ku wacyi -geliyo wada shaqaynta u dhexaysa ururadda
samafalka aan dawliga aheyn (USDA) iyo x ukuumadda.
g. In uu baadhitaan iyo waraysi ku sameeyo ku dhaqanka
dastuurka uu leeyahay urur kasta oo ka mid ah ururadda as
aan dawliga ahayn.
h. Inuu m aareeyo (xaliyo) khilaafka ka dhex abuurma urur
gudihiisa ama laba urur dhexdood ama in ka badan;
In uu gacan k a gaysto, isagoo la kaashanaya d iiwaan -geliyaha
Guud, sida ay noqonayso derajooyinka ururadda waddaniga ah
ee aan dawliga ahayn, k uwaas o o u kala bixi doona
derejooyinka (a, b, c & d) iyadoo la waafajinaayo sharciyadda,
raad -raaca taariikheed, waxqabadkooda, iyo tirada gobolada
iyo degmooyinka ay ka hawl galaan .
i. In uu soo jeediyo in tallaabooyinka ku haboon laga qaado
ururadda aan dawliga ahayn, marka ay dhamaato kala
derejayntoodu;
j. In uu guto xilka kale ee uu u igmado w asiirku

2. Isagoo gudanaya waajibaadka lagu qeexay xeerkan, waxay ku dhaqmi
doonaan nidaam wada -tashi, isu -duwid iyo iskaashi uu la yeesho
wasaaradaha iyo hay’adaha kale

Qodo bka 8 aad
Waajibaadka Wasaarada Qorshaynta iyo H orumarinta Qaranka

1. Wasaaradda Qorshey nta iyo Horumarinta Qaranka ayaa uga wakiil ah
dawladda JSL diiwaan -gelinta, maamulka iyo isku -dubaridka ururadda aan
dawliga ah ayn ee wadaniga, shisheeye ama c aalamiga ah .

7

2. Wasaaraddu waxay u xilsaaran tahay:

a. Waa tan keliya ee metalyasa xukuumadda e e u xil -saaran diiwaan -gelinta
ururadda aan dawliga ahayn ee caalamiga/w addaniga ah ama shisheeye ee
ka hawl gala Somaliland gudaheeda.

b. Masuul ka tahay kala doorashada goobta am a goobaha hawlgalka ee
urururadu ka hawl geli karaan waxaa nayna ku salaynaysaa baahiyaha
gobollada iyo d egmooyinka dalka oo dhan iyadoo la raacayo qorshaha
guud ee horumarineed, si la isugu dheelli -tiro horumarinta bulshada – taas
oo lagala tashan doon o u rurka hawl gelaya.

c. U taagan tahay bar -kulan isgaadhsiineed oo u dhexeeya xukuumadda
Somaliland iyo ururadda as. Dhammaan xidhiid hka qoraallada ah ee dhex
mara w asaaradaha iyo ururadda as, waxa nuqul la siinayaa Wasaaradda.

d. Isku -xidhida ururadda , maamul lada gobollada, degmooyinka, w asaaradaha
wada -shaqayntu ka dhexayso iyo hay’adaha kale ee Xukuumadda si wada
shaqayn wanaagsan loo helo.

e. Taageerida wax -qabadka ururadda as, ilaalinta hantidooda si loo xaqiij iyo
ujeedooyinkii mashaariicda ururadda asi maal -geliyeen, si waafaqsan
heshiis -wadareedkii la wada galay.

f. U soo ban -dhigaysaa war -bixinnada qiimeynta ee ay Wasaaraddu ku
samaysay hawlahooda, si ay dib -u-eegid iyo faallo ugu sameeyaan ka hor
intaan la gebo -gebayn qiimeyntaas.

g. U fududeynta sameynta cash uur -dhaaf soo dejinta agabka xafiisyada iyo
qalabka mashaariicda laga fulinayo dalka gudihiisa. Haddii Ururku hanti
gaar ahaaneed uu la soo wareego ama dalka la yimaaddo qalab culus
(heavy machinery) sida cagafyo iyo qalabka macdanta iyo batroolka lagu
baadho iwm oo uu u baahan doono inuu dib ula noqdo, waa inuu caddeyn
keenaa inta aanu hawl -galkiisa bilaabin, si loogu fududeeyo sharciyadda
dib -ula -noqoshada.

h. U fududeynta alaabta kale ee u baahan cashuur -dhaaf looguna talo -galay
inay ka gudbaan soohdima ha Somaliland, si waafaqsan shuruucda dalka.
xaqiijinta dokumantiyada la xidhiid ha codsigooda waxa u xil saran
wasaaradda iyadoo la tashanaysa w asaaradda Maaliyadda.

i. Ka caawinaysaa shaq aalaha shisheeye ee u shaqeeya ururadda as cashuur –
dhaafka agabka shak hsi ama qoys ee ay dalka la yimaaddaan iyo dib -ula –
noqoshadooda, si waafaqsan sharciga.

8

j. U fududeynaysaa soo -gelidda Somaliland iyo degannaansho qaanuuni ah
(legal resi dence) khubarada shisheeye ee ururadda as aan dawliga ahayni
uga baahan doonaan fulin ta mashaaricdooda, iyadoo la waafajinayo xeerka
shaqaalaha rayidka.

k. Waxay masuul ka tahay xog -siinta, tilmaamidda iyo ha wlaha isu -duwineed
ee ururadda caalamiga/shisheeye/w addaniga ah ee dalka ka hawl gala.

l. Taageerida, gacansiinta, tayaynta iyo horumar inta USDAW.

m. Dejinta iyo soo saarista xeer -nidaamyada, wareegtooyinka, hagayaasha iyo
amaradda lagu maamulayo USDA

n. diiwaan -gelinta, ruqsad -siinta, ruqsad ka laalista, ruqsad ka hakinta iyo
anshax -marinta ururadda samafalka aan dawliga ahayn

o. Hawlaha kale ee sharcigu u xilsaaro

Qodobka 9aad
diiwaan ka ururadda aan Dawliga ahayn

1. Waxaa la abuurayaa diiwaan guud oo lagu qoro dhammaan ururadda aan
dawliga ahayn ee xeerkani nidaaminayo.
2. diiwaan ka guud waxaa qayb -qayb loogu diiwaangelinayaa ururadda aan
dawlig a ahayn ee wadaniga ah (USDAW), ururadda aan dawliga ahayn ee
shisheeye (USDASH), ururadda aan dawliga aha yn ee Caalamiga ah (USDAC)
iyo d alladaha ururadda a.
3. diiwaan ka waxaa lagu qorayaa ururka marka shahaadada la siinayo
4. diiwaan ka guud waxaa loo xidhayaa sanad sanad, iyadoo lagu xusayo
diiwaanka taariikhda la diiwaangeliyay ururka.
5. Ururka aan dawliga ahayn ee sanadka dhexdiisa laga laalo shahaadada ama
lagala noqdo shahaadada, waxaa laga saarayaa diiwaanka magaciisa, iyadoo
la xusayo sababta laalista ama k ala noqoshada, marka ay dhamaato muda dda
cabashu ama la diido cabashadiisa haddii shahaadadiisa lagaga laalay si
xeerkan waafaqsan.
6. Ururka laga hakiyo shahaadada sanadka dhexdiisa ama laga qaado talaabo
kale oo anshaxmarin waxaa lagu xusanayaa diiwaanka ha kintaa ama
talaabada kale ee anshax -marin ee laga qaatay.
7. Ururka aan dawliga ahayn ee loo diiwaangeliyo si xeerkan waafaqsan, waxaa
lagu qorayaa diiwaanka waxyaabahan:

a. Magaca ururka aan dawliga ahayn

9

b. Xaruntiisa, xafiisyada l aamihiisa, ciwaankiisa,Guddiga Hogaamiya iy o
Agaasimaha F ulinta ama cida u dhiganta qaab -dhismeedkiisa iyo
ciwaanadooda.
c. W adaaga (sectors) uu ka shaqeeyo iyo degaanka uu ka hawlgalo
d. Hay’adaha, w asaaradaha ama ururadda uu la shaqeeyo
e. Dalka ama dalalka kale ee uu ka diiwaangashan yahay
f. Lambarka shahaadada iyo taariikhda diiwaangelinta
g. Muddada shahaadada diiwaangelinta
h. Iyo macluumaad kasta oo kale oo lama huraan ah.

8. Urur walba oo aan dawli ahayn oo loo diiwaangeliyo si xeerkan waafaqsan
wuxuu yeelanayaa fayl lagu kaydiyo macluumaadkiisa.

Qodobka 10 aad
Waajibaadka u ruradda aan dawliga ahayn

Urur kasta oo aan dawli ahayn oo si xeerkan waafaqsan lagu diiwaangeliyo
waxaa waajib ku ah:

1. In ixtiraamo, aqoonsado madaxbanaanida, aayo -katashiga q aranimada JSL,
dhaqanka iyo caqiidada ummadda JSL
2. In uu ixtiraamo, kuna dhaqmo d astuurka, xeerarka kale Jamhuuriyada
Somalila nd, una hogaansamo siyaasadaha x ukuumadeed iyo talooyinka
xukuumada ee ku wajahan wax -qabadkooda
3. Barnaamijyada ururadda samafalka aan dawliga aheyn (USDA) ee
caalamiga ahi waa inay la jaan -qaadaan qorshaha guud ee horumarineed
ee dalka (national development plan).
4. In hantidiisa, kharashkiisa, dakhligiisa uu u adeegsadaa oo keliya
ujeedadiisa macaash raadis la’aanta oo sharuucda dalka waafaqsan.
5. In dhammaan hawlihiisu noqdaan kuwo law ada -arki karo (transparent) oo
dabagal (accountable) leh, waana in uu si caqligal ah u bixiyaa
mushaharada/gunnooyinka shaqaalaha, kirooyinka guryaha/gaadiidka iyo
kharashaadka maamul iyo wax soo iibsi, si uu u kasbado kalsoonida
dadwaynaha.

Qodobka 11 aa d
Arrimaha ka reeban ururadda aan dawliga ahayn

ururadda aan dawliga ahayn, waxaa ka reeban:

1. Ka qaybgalka hawla ha siyaasadeed iyo ololayaasha d oorashooyinka
siyaasadeed ee si gaar ah loo gacansiinayo urur ahaan, urur/xisbi
siyaasadeed ama musharax/mushar axiin doorasho siyaasadeed

10

2. Kicin, abaabul, gacansiin qalalaase, iska hor imaad gacan ka hadal leh ama
dagaalo iyo ka qa ybqaadasho hawlo ciidan ama tababaro ciidan.
3. Keenid, soo dejin, samayn, ka ganacsi hub iyo waxyaabaha qarxa.
4. Ka qaybqaadasho, caawin ama gacansiin iyo dhiirigelin argagixiso iyo falal
argagixiso
5. Ku hawlanaan ama caawin soo saaris, beerasho, safayn, dhoofin, soo dejin,
kaydin, ka ganacsi, haysasho, isticmaal ama qaybin maandooriye.
6. In loo isticmaalo dhaqaalaha iyo hantida ururka, wax kasta o o lid ku ah
danaha qaranka, ciqiidada diimeed, anshaxa bulshada, caafimaadka,
xasiloonida qaranka ama wax kasta oo ku wajahan qabyaalad iyo takoor.
7. In dhaqaalaha iyo hantida ururka loo adeegsado hawlo ganacsi.
8. Fal kasta oo kale oo ay reebeen shuruucda JSL.

QEYBTA 3AAD

ASAASKA, DIIWAAN -GELINTA URUR A DDA AAN
DAWLIGA AHAYN EE WADDANIGA AH (USDAW)

Qodobka 12 aad
Asaaska urur aan d awli ahayn oo wadani ah

1. Haddii aan xeerku si kale u tilmaamin urur aan d awli ahayn oo wadani ah
waxaa aasaasi kara ugu yaraan sha n (5) qof oo muwaadiniin ah ama
ajinebi dalka rasmi u degan ah ama muwaadiniin iyo ajinebi intooda badan
dalka degan yihiin oo wada jira.

Qodobka 13 aad
Shuruudaha diiwaan -gelinta

1. Urur kasta oo aan dawli ahayn oo w addani ah waa inuu is -diiwaan geliyaa
iyadoo la raacayo shuruudaha Xeerkan.
2. Waa in uu leeyahay xafiis shaqeeya iyo ciwaan sugan, magac u gaar ah iyo
astaan u gaar ah
3. Waa in uu leeyahay xeer hoosaad uu garyaqaan soo ansixiyay, dhammaan
xubnaha aasaasayaashu ku saxeexan yihiin
4. Waa in uu leeyahay qaab -dhismeed awoodahiisu kala qeexan yihiin
5. Waa in xubnihiisu aqoon iyo waaya’aragnimo u leeyihiin
wadaagaha/wadaagyada uu ka shaqaynayo
6. Waa in hadafkiisa, ujeedadiisa iyo hawlaha uu rabo in uu ka shaqeeyo ay
waafaqsan yihiin xeerarka dalka,
7. Waa in uu diiwaan geliyaha u soo qortaa codsi ay ku qeexan tahay:

11

a) Magaca ururka, xarfaha loo soo gaabiyo (markay jiraan), xarunta
iyo laamaha ururka (markay laamo jiraan), ciwaanka ururka oo
ku jiraan telefano iyo sanduuqa internetka
b) Magacyada xubnaha aasaasayaasha ur urka.
c) Ujeedada ururka iyo wadaaga/wadaagyada uu ka shaqaynayo
d) Degaanada uu ka hawlgelayo
e) Xubnaha guddiga h ogaaminta iyo xubnaha maamulka

8. Cod siga diiwaan -gelinta waa in ay ku saxeexan yihiin xubnaha
asaasayaasha ama cid ay awood u siiyeen
9. Co dsiga diiwa an -gelinta lagu dalbanayo waa in ay weheliyaan:

a) Nuqul ka mid ah dastuurka ururka.
b) Faahfaahin kooban oo khuseysa magacyada iyo saxeexyada
xubnaha asaasayaasha;
c) Taariikh -nololeedka aasaaseyaasha (CV) iyo sawiradooda iyo
caddayn dembi -la’aneed;
d) Rasiidhka bixinta cashuurta diiwaan -gelinta

Qodobka 1 4aad
Dastuurka Ururka

Xeerka ururka aan dawliga ahayn waa in ay ku qeexan yihiin:

a. Magaca rasmiga ah ee u rurka oo aan hore loogu diiwaangelin urur
hore oo aan d awli ahayn, shirkad ama cid kale.
b. Hadafka, ujeedad a iyo hawlaha ururka
c. Tirada xubnaha aasaasayaasha, haddii lagu biiri karo hab -raaca
loogu biiri karo iyo habka la isaga saari karo.
d. Hab -raaca doorashada golaha/g uddiga hog aaminta iyo luminta
xubinimada g olaha/Guddiga hogaaminta.
e. Sida shirarka loo qabanayo
f. Awoodaha iyo masuuliyadaha s hirwaynaha (marka uu jiro) iyo
golaha/g uddiga hogaaminta.
g. Habka Doorasha da, xulashada ama magacaabista m aamulka ururka
iyo awoodaha maamulka

Qodobka15 aad
Ogolaanshaha & diidmada diiwaangelinta USDAW

1. diiwaan -geliyuhu markuu hel o codsiga diiwaangelinta ee USDA W , wuxuu
hubinayaa in dhammaan shuruudaha ku sheegan qodobka 13 aad ee xeerkan
uu buuxiyay, isagoo marka uu u arko lama huraan qaadaya talaabooyinkan:

12

a) In uu dalbado soo dhamaystir macluumaad ama dhukumenti ka
dhiman
b) In uu d albado ama raadiyo cadaymo dheeraada ah

2. diiwaan -gelihu markuu hubiyo in shuruudaha xeerkan dhamaystiran yihiin,
macluumaadka loo soo gudbiyayna xaqiiq yihiin, wuxuu u gudbinayaa
Wasiirka Qorshaynta iyo horumarintu codsiga oo ay ku lifaaqan yihiin,
dhamm aan macluumaadka uu ka helay codsadaha, warbixin koobaysa wixii
uu talaabooyin qaaday ama xog dheeraada ku helay baadhistiisii oo ay
weheliyaan talooyinkiisa.

3. Wasiirku , markuu helo macluumaadka faqrada 2aad:

a) Wuxuu amrayaa in la diiwaangeliyo, haddii uu k u qanco in USDAW
ee diiwaangelinta soo dalbaday uu u qalmo in la diiwaangeliyo :

I. In uu buuxiyay shuruudaha xeerka ku qeexan
II. Dhammaan macluumaadkiisu dhab yihiin

b) Wuxuu diidayaa codsiga diiwaangelinta , marka ay u cadaato:

I. In aanu buuxin shuruudihii xeerku u dhigay
II. In aanay dhab ay ahayn macluumaadka uu soo gudbiyay

c) Wuxuu dalbanayaa baadhsi ama xaqiijin dheeraad ah, marka uu u
arko in loo baahan yahay

4. diiwaan -geliyuhu marka uu helo amarka wasiirka ee ogolaanshaha
diiwaangelinta, wuxuu soo saarayaa shahaada da ruqsada diwaangelinta
USADW, wuxuuna ku qorayaa diiwaanka guud.

5. Codsadaha si xeerkan waafaqsan loo diido codsigiisa diiwaangelinta, isla
ururkii la diiday dib u ma soo codsan karo diiwaangelintiisa muddo sanad
gudihii ah.

Qodobka 16 aad
Aasaaska Dalla daha iyo Bah -wadaagta

1. Dalad ama b ah -wadaag ururo aan d awli ahayn oo wadani ah waxaa aasaasi
kara ugu yaraan 15 urur oo wadani ah oo diiwaangashan oo shaqeeya,
kuwaas oo kawada shaqeeya hal wadaage (sector) ama u adeega koox
bulsho oo gaar ah, sida haweenk a, Naafada, dhalinyarada, dadk a laga
tirada badan yahay Iwm. a ma uu jiro hadaf guud oo mideeya ama aag
juquraafiyadeed oo ay kawa hawlgalaan

13

2. Dalad ama dan -wadaag waxaa loo abuuri karaa ujeedo ah:

a) Kobcinta iyo dhismaha kartiyeed ee ururadda ku bahoobay
b) Isu -duwida, qiimaynta, kormeerka iyo tayaynta hawlaha iyo barnaamijyada
ay ururadda asi fuliyaan
c) Difaacida iyo u ololaynta ururadda a ku bahoobay d allada ama bah –
wadaagta
d) Xalinta khilaafyada bahoobayaasha dhexdooda iyo khilaafka xubnaha
dallada ama bah -wadaagta iyo hay’adaha la shaqeeya
e) Fududaynta wada shaqaynta, iskaashiga iyo xidhiidhka xubnaha dallada
ama bah -wadaagta
3. Waa in xubnaha ku bahoobaya d allada ama dan -wadaagta ay qabsadaan
shirwayne dhamaan ururadda ku bahoobay ergo u soo dirtaan oo ka qayb
galaan
4. Shirwaynaha aasaaska dallad ama b ah -wadaag waa:
a) In ergooyinka ka soo qabgelayaa ay sitaan kalsooni qoraal ah oo ururadda
ay metelayaan ah
b) In ay goob -joog yihiin Wasaarada Qorshaynta ergo ka tirsan oo goob –
joogenimo kaga qaybgelaysa iyo guddiga USD .
c) In ay leedahay ujeedo cad oo xeer -hoosaadka ku qeexan oo loo
midoobayo, taas oo waafaq san tilmaamaha faqrada 2aad ee q odobkan
d) In la isugu doortaa jagooyinkiisa iyo xilalkiisa si dimoquraadi ah oo muuqata
(transparent)
e) In jagooyinka iyo xilalka la isugu doortaa u rur ahaan ee aanay is dooran
shakhsiyaad

Qod obka17 aad
diiwaan gelinta dalladaha USDAW

Hab -raaca d iiwaangelinta ee d alladaha iyo bah -wadaagta ururadda aan dawliga
ahayn ee wadaniga ah waxaa loo raacayaa tilmaamaha qodobada 16 aad ee
xeerkan.

Qodobka 18 aad
Isku Biirid ama m idaw laba ama ka badan oo USDAW

1. Laba urur s amafal aan dawli ahayn oo wadani ah ama ka badan oo
diiwaangashan way isku tagi karaan ama way midoobi karaan;
2. Ururka cusub ee ka dhashay midawga ku xusan faqrada hore, dib ayaa loo
diiwaange linayaa, ka dib marka diiwa angeliyuhu, isagoo la tashaday
guddiga hubiyo in midawga cusub qaab sharciga waafaqsan loo sameeyay,
iyadoo diiwaangelintii ururadii hore ee midawgu saameeyay laga saarayo
diiwaanka

14

QAYBTA 4AAD

HEERARKA DIIWAAN -GELINTA

Qodobka 19 aad
Sarkaakiisha diiwaan gelinta Gobolada & Degmooyinka

1. diiwaan -geliyaha Guud isag a oo ula jeeda in uu fududeeyo d iiwaan -gelinta
hee rarka gobol iyo kan d egmo, waxa uu talo ku siin doonaa Wasiirka in uu
u magacaabo diiwaan -geliye gobol kasta iyo d egmo kasta.
2. Diwaangaliyaha lagu magacaabay si waafaqsan Qodobkan, waxa uu
magaca diiwaan -geliyaha Guud:

a) Ku diiwaan -gelin doonaa u rurka aan dawliga ahayn ee gobolkaas
ama d egmadaas hawl -galkiisu ku kooban yahay;
b) Ku bixin doonaa Shahaadooyinka diiwaan -gelinta ee heer gobol
ama g egmo.

Qodobka 20 aad
diiwaan -gelinta ururadda waddaniga ah ee derejooyinka kala duwan
leh

1. Marka urur aan d awli ahayn ee la doonayo in uu ka hawl -galo degmo gaar
ah, codsiga diiwaan -gelinta waxaa loo s oo gudbin doonaa d iwangaliy aha
degmada.
2. Marka urur aan d awli ahayni uu doonayo in uu ka hawl -galo g obol
dhammaantii, codsigiisa diiwaan -gelineed waxa uu u gudbin dooona
diiwaan -geliyaha g obolka.
3. Ururka aan dawliga ahayn ee w addaniga ah ee baaxadda hawl -galkiis u uu
daboolayo ugu yara an laba gobol iyo u rurka aan dawliga ahayn ee
caalamiga ah ama shish eeye waxa diiwaan -gelin doonaa diiwaan -geliyaha
guud.
4. Marka diiwaan -geliya ha heer gobol ama degmo uu diiwaan -galiyo u rur
aan Dawli ahayn, waxa uu samayn doona warbixin iyo xogta ururadda la
diiwaan -geliyey, waxaanu u diri doonaa diiwaan -geliyaha Guud.
5. Wasiirku waxa uu xeer -nidaamiye ku qeexi doonaa habka ay ku hawl geli
doonaa n diiwaan geliyeyaasha heerka degmo, gobol iyo qa ran oo aan
xeerkan ka hor imanayn xeerkan.
6. Ururka diiwaan -geliye degmo u gudbista codsi diiwaan -gelineed ee laga
aqbali waayo, waxa keliya ee uu cabashadiisa u gudbin karaa diiwaan –
geliyaha g obolka oo go’aan kama -dambeys ah ka qaadan kara.

15

Qodobka 21 aad
Xaqiijinta jiritaanka Urur

1. Marka diiwaan -geliyuhu uu ku qanco inuu baaba’ay jiritaanka urur diiwaan –
gashanaa, wuxuu soo saari doonaa ogeysiin qoraal ah oo lagu baahin
doono faafinta rasmiga ah ama bedelkeeda warbaahinta dalka.
2. Marka u rurka aan dawliga ahayni ku guul darraysto in uu u soo gudbiyo
diiwaan -geliyaha g uud caddeynta jiritaankiisa muddo soddon cisho ah
(30) gudahood, diiwaan -geliyuhu wax a uu baabiin karaa s hahaadadda
diiwaan -gelinta, isla mark aana magaceeda ka saari doonaa diiwaan ka.

QAYBTA 5AAD

MASUULIYADDA XISAABTANKA IYO NIDAAM HOOSAADKA
URURADDA AAN DAWLIGA AHAYN

Qodobka 22 aad
Sharciyeynta Dan -wadaagta

1. Waxa la sharciyayn doonaa dallad/kulan urureed oo ay leeyihiin ururadda
aan dawliga ahayn ee w addaniga ahi oo hadda ka dib loogu yeedhi doono
“dan -wadaagta ururadda aan dawliga ahayn ee w addaniga ah ”.
2. Dan -wadaagtu waxay noqon doontaa madal kulmisa ur ur adda as oo looga
jeedo isu -duwidda iyo wada shaqaynta dhammaan ururadda aan dawliga
ahayn ee Waddaniga ah ee ka hawl -gala Somaliland gudaheeda.
3. Sida loo aasaasayo, doorkeeda shaqo, xuquuqda iyo waa jibaadka dan
wadaagta, w asiirkaa ku soo saari doona xeer -nidaamiye, ka dib marka uu la
tashado Guddiga USDA.

Qodobka 23 aad
Hab -dhaqanka anshax (Code of Conduct)

1. Dan -wadaagtu waxay u ban -dhigaysaa ururadda xilliga shir -sannadeedka
wax -qabadkeedii sann adkii dhammaaday waxa kale oo ay u diraysaa
ururadda as go’aannada kasoo baxa shir -sannadeedkaas si ay u hirgeliyaan.
2. Hab -Dhaqanka d an -wadaagta (Code of C onduct) waxaa lagu ansixinayaa
qaraar ka soo baxa d an -wadaagta shir sannadeedkeeda oo ay kasoo qayb
galeen saddex -dalool -laba dalool (2/3) ururadda ku jira d an -wadaagta ,
waxaana lagu faafinayaa xeer w asiir muddo shan iyo toban ( 15 ) casho
gudahood ah, laga bilaabo maalinta la ansixiyay.

16

3. Hab -dhaqanka iyo nidaamyada d an -wadaagtu waa inay waafaqsanaadaan
shur uucda iyo siyaasadaha (policies) dal ka u yaal, waxaana xaqiijinaya
guddiga USDA.

Qodobka 24 aad
Wax -qabadka iyo war -bixinaha USDAW

1. Urur kasta oo aan d awli a hayn oo wadani ah, sannad kasta wuxuu
diyaarinayaa war -bixinta wax -qabadkiisa oo faah -faahsan, iyad oo la raacayo
qaab -tilmaame war -bixineed (reporting format).
2. ururadda aan dawliga ahayn ee w addaniga ah ee si toos ah uga hela
kaalmo dhaqaale deeq -bixiyeyaasha, waxay ku muujin doonaan kaalmadaas
ay helaan iyo wixii lagu fuliyey war -bixin -sannadeedkooda k u xusan
Qodobkan.

Qodobka 25 aad
Dokumentiyada isku -maamulka

1. Dastuurka iyo dokumantiyada kale ee xubnaha asaaseyaashu ay u
gudbiyeen diiwaan -geliyaha wakhtigii la samaynayay codsiyada diiwaan –
gelinta ama kuwo ka danbeeyay d astuurka iyo dokumantiyada loo gudbiyay
diiwaan -galiayaha waxay noqon doonaan dokumantiyada lagu salayn doono
xukunka ama go’aan -qaadashada lagu kala saarayo – haddii muran
yimaaddo.
2. Ma jiri doono Urur aan Dawli ahayn oo hawl -geli doona ama fulin doona
hawlahooda si ka hor imanaysa doku mantiyadooda ay u soo gudbiyeen
diiwaan -geliyaha.

Qodobka 26 aad
Hawl -galka ururadda

1. Ururka aan dawliga ahayn ee u diiwaan -gashan si waafaqsan sharcigan
waxa uu xaq u leeyahay in uu bilaabo wax -qabadkiisa kuwaasoo ay ka mid
yihiin dhaqdhaqaaq mashaarciye ed oo waxtar u leh bulshada iyo sameyn ilo
wax -soo saar ku jiheysan joogteynta wax -qabadka Ururka iyo
barnaamijyada loo fulinaayo bulshada isla markaana waafaqsan shuruucda
dalka.

2. Dakhli -abuurinta ku jiheysan joogteynta hawlaha Ururku waa inay ka
muuqataa warbixin -sannadeedka loo soo gudbiyay Guddiga ee ku xusan
qodobka 23aad ee xeerkan.

17

Qodobka 27 aad
Ogeysiinta bedelaadda dastuurka ururadda aan Dawliga ahayn

1. Isbedal kasta oo d astuurka lagu sameeyo oo ah beddelaad saameyn ku leh
ujeedooyinkii hore ee ururka ama magac, ama magacyo masuuliyiin xafiis,
waxa lagu war -gelin doonaa diiwaan -geliyaha si qoraal ah.

2. Ogeysiinta la siiyo diiwaan -geliyaha waxa wehelin doona:

a. Nuqulka go’aanka la gaadhay oo ay saxeexaan mas’uuliinta awoodda u leh
sida ku cad dastu urkooda.
b. Nuqulka Shahaadadda diiwaan -gelinta haddii qodobada dastuurka Ururka
ee la beddelay ay saameyn ku leeyihiin ujeedooyinka hore ee Ururka.

3. diiwaan -geliyuhu ka dib marka uu helo ogeysiinta waxa uu:

a) Gelinayaa diiwaan ka dhammaan waxyaabaha la beddela y sida lagu soo
gudbiyay ogeysiiska;
b) Bixin doonaa Shahaado cusub oo diiwaan -gelineed – markii loo baahan
yah ay ;
c) Ka saarayaa diiwaan ka wixii isbeddel lagu sameeyey.

Qodobka 28 aad
Sanduuqa maaliyadeed ee USADW

1. Waxaa la sameyn doonaa sanduuq -maaliya deed oo ay leeyihiin ururadda
aan Dawliga ahayn ee Waddaniga ah. Sanduuqaas waxa iska kaashan
doona xukuumadda, Deeq -bixiyeyaasha, hantiilayaa sha gaarka ah (private
sector) iyo ururadda aan dawliga ahayn. Sanduuqaasu waxa uu wax ka tari
doonaa tababarka, k or -u-qaadidda tayada iyo mugga wax -qabadkooda.
2. Sanduuqan waxa maamulaya Guddiga USDA lagu hagaayo tilmaame
Wasiirku soo saari doono marka uu la tashi iyo ogolaansho la sameeyo
dhammaan cidda ay khusayso.

QAYBTA 6AAD

URURADDA AAN DAWLIGA AHAYN EE C AALAMIGA
AH (USDAC)

Qod obka 29 aad

18

diiwaan gelinta USDAC

Urur aan Dawli ahayn oo Caalami ahi kama shaqayn karo, kamana fulin karo
mashaariic iyo barnaamijyo samafal ama horumarineed Dalka JSL, haddii aanu
dalka JSL uga diiwaan gashanayn si xeerkan waafaqsa n.

Qodobka 30 aad
Shuruudaha diiwaan gelinta USDAC

Ururka aan Dawliga ahayn ee Caalamiga ah ee dalbanaya diiwaan gelin, waa in
uu buuxiyaa shuruudahan:

1. Waa in uu arji codsi diiwangelin oo ay soo saxeexeen xubnaha
aasaasyaasha ama cid si shrci ah uga wakii l ah, u soo gudbiyaa
diiwaan geliyaha Guud
2. Waa in uu si rasmi ah uga diiwaan gshan yahay dalkiisa, xafiis shaqeeyana
ku leeyahay
3. Waa in uu dalkiisa ama dalal kale ka fuliyay mashaariic la xidhiidha
wadaagaha (sector) uu ruqsada u dalbaday,
4. Waa in uu ka hays taa deeqbixiye aan dalka deganayn heshiiska iyo
dhaqaalaha mashruuc ama mashruucyo uu dalka ka fulinayo Waa in
codsigiisa diiwaan gelinta ay weheliyaan:
a. Ruqsada diiwaan gelintiisa ee dalkiisa;
b. Dhukumentiga xogta urureed/hay’adeed (Profile), oo ay ku qeexan yihiin
ujeeddada ururka, qaab -dhismeedka ururka iyo maamulkiisa, Xarunta
guud ee xafiiskiisa halka uu yahay iyo cinwaankiisa dalka, Sharciyeyntiisa
waddanka uu asal -ahaan kasoo jeedo, Dalalka kale ee uu ka shaqeeyo,
xidhiidhka uu la leeyahay;
c. Nuqul ka mi d ah dastuurka ururka oo ay ku caddahay
wadaagaha/wadaagayaasha (sector/sectors) ee uu ururku ka hawl geli
doona;
d. Miisaaniyadda dhaqaale ee uu dalka gelinaayo,
e. Qorshe -sannadeedkiisa, iyo guud ahaan ilihiisa dhaqaale.
f. Cinwaanka iyo meesha uu ku yaallo xaf iiska xarunta u ah Ururka;
g. Caddayntii bixinta Ajuurada diiwaan -gelinta;
h. Qoraal cadayn ah, oo bixisay Wasaarada Arrimaha dibeda u qaabilsan
dalkiisa ama Safaarada dalkiisa ee S/land ugu dhaw oo ay ku
cadaynayaan jiritaankiisa, waxqabadkiisa iyo in ay masu ul ka yihiin wixii
ka yimaada;
i. Taariikh -nololeedka(CVs) iyo shahadaha shaqaalaha ka shaqeyn doona
Somaliland iyo sababta loogu baahanyahey iyo caddayn dembi -la’aneed
oo wadankiisa ka sita;

19

j. Taariikh -nololeedka(CVs) aasaaseyaasha iyo sawirradooda iyo caddayn
dembi -la’aneed oo wadankiisa ka sita;
k. Qorshaha ururka (workplan) ku tallogaley inu ku shaqeynayo oo ugu
yaraan sannad ah iyo misaaniyada ku baxeysa oo madaxya leh (itemized
Budget).
5. Waa in mashruuca uu dalka ka fulinayo ujeedooyinkiisa iyo qorshihiisuba
waafaqsan yihiin Siyaasadaha, xeerarka iyo qorshayaasha Qaranka.
6. Waa in uu ogolaansho qoraal ah ka haystaa Wasaarada ama hay’ada
xukuumadeed ee ku shaqada leh mashruuca ama barnaamijka uu dalka ka
fulinayo
7. Waa in uu mashruuca ama barnaamijka ku fulinayo qorshaha Wasaarada
ama Hay’ada xukuumada SL ee hawshaasi khusayso, kana fulinayo
goobta/goobaha loo cayimo.
8. Waa in uu ka furanayo Dalka xafiis awood go’aan qaadasho oo buuxda
fulinta mashruuca iyo ogolaanshaha kharashkiisa leh

Qodobka 31 aad
Ogolaanshah a & diidmada diiwaan gelinta USDAC

1. diiwaan geliyuhu markuu helo codsiga diiwaan gelinta ee USDAC wuxuu
hubinayaa in dhammaan shuruudaha ku sheegan qodobka hore uu
buuxiyay, USDAC , isagoo marka uu u arko lama huraan qaadaya
talaabooyinkan:

a) In uu dalbado so o dhamaystir macluumaad ama dhukumenti ka dhiman
b) In uu dalbado ama raadiyo cadaymo dheeraada ah
c) In uu warbixin ka dalbado ama xog waraysto Wasaarada ama hay’ada
xukuumadeed ee la shaqaynayo USDAC
d) In uu xidhiidh la sameeyo masuuliyiin sare ama cida uu deeq da ka soo
qaatay ama u balanqaaday ama cid kale oo cadaymo uga baahdo

2. diiwaan gelihu markuu hubiyo in shuruudaha xeerkan dhamaystiran yihiin,
macluumaadka loo soo gudbiyayna xaqiiq yihiin, wuxuu u gudbinayaa
Wasiirka codsiga oo ay ku lifaaqan yihiin, dhamm aan macluumaadka uu
ka helay codsadaha, warbixin koobaysa wixii uu talaabooyin qaaday ama
xog dheeraada ku helay baadhistiisii oo ay weheliyaan talooyinkiisa.
3. Wasiirku , markuu helo macluumaadka faqrada 2aad :

a. Wuxuu ogolaanayaa codsiga diiwaan gelinta , hadd ii uu ku qanco :
I. In uu buuxiyay shuruudaha xeerka ku qeexan
II. Dhammaan macluumaadkiisu dhab yihiin

b. Wuxuu diidayaa codsiga diiwaan gelinta, marka ay u cadaato in aanu
u qalmin in la diiwaan geliyo, sababtoo ah:

20

i. In aanu buuxin shuruudihii xeerku u dhigay
ii. In aa nay dhab ay ahayn macluumaadka uu soo gudbiyay

c. Wuxuu dalbanayaa baadhis dheeraada iyo cadaymo kale oo lagu go’aan
qaato marka loo baahan yahay

4. diiwaan -geliyuhu marka uu helo ogolaanshaha wasiirka wuxuu soo
saarayaa shahaadada ruqsada diiwaan gelinta USADC , si waafaqsan
tilmaamaha xeerkan;

5. Wasiirku wuxuu ku soo saarayaa diidmada codsiga diiwaan gelinta qoraal
sababaysan, kaas oo ah qoraal maamul oo kama danbays ah

Qodobka 32 aad
Shahaadada diiwaan gelinta

1. USDA ee Caalamiga ah ama shisheeye, marka la diiwaan geliyo, waxaa
diiwaan geliyuhu siinayaa shahaadada diiwaan gelinta
2. Shahaadada diiwaan gelintu waxaa lagu muujinayaa muddada ay ku
dhacayso oo noqonaysa ugu badnaan lix bilood ka dib dhammaadka
muddada mashruuca ama barnaamijka loo ogolaaday in uu dalka ka
fulinayo

Qodobka 33 aad
Heshiiska hawl -fulin

1. Marka la diiwaan geliyo ka dib, ururadda Samafalka aan Dawliga aheyn
(USDA) ee Caalamiga ah waxay heshiis shaqo (memorandum of
understanding) la saxeexanayaan Wasaaradaha, hay’adaha, ururadda iyo
xa fiisyada kale ee ay khuseyso (partners), nuqul heshiiskaas ahna waxaa
loo gudbinayaa Wasaaradda Qorsheynta, iyadoo diiwaan geliyaha guud uu
diiwaan gelinayo.
2. USDA oo Caalami ah kama bixi karo, waxna kama bedeli karo heshiiska ku
xusan faqrada hore; haddiis e ay yimaadaan sababo macquul ah oo USDA,
wasaaradii ama hay’adii la ga shay, Wasaarada Qorshaynta iyo g uddigu ku
wada qanceen oo keenaya in heshiiskii hore wax laga bedelo, waxaa
dhinacyadu dib u gelayaan heshiis cusub, iyadoo markasta la raacayo
tilmaamah a faqrada hore ee qodobkan

Qodobka 34 aad
Cusboonaysiinta Ruqsada USDAC

21

1. USDA ee c aalamiga ah, ee si xeerkan waafaqsan ku diiwaan gashanaa ee
muddada dhammaanka ruqsadiisa ka hor ka soo hela deeq -bixiye dibadeed
dhaqaale mashruuc cusub ama lagu fidinayo mud dadii mashruuca hore,
wuxuu xoghayaha guddiga u gudbinayaa codsi uu ku dalbanayo
cusboonaysiinta ruqsada diiwaan gelinata, isagoo ku soo lifaaqaya
codsigiisa:

a. Heshiiska ama balanqaadka mashuuca cusub ama fidinta mashuura hore
b. Warbixinta waxqabadkiisii hore
c. Cadaynta shaqo wanaaga ee wasaaradii ama hay’adii uu la shaqeeyay
2. Cusboonaysiinta diiwaan gelinta waxaa loo raacaya a tilmaamaha qodobka
32 aad ee xeerkan inta ka dabaqmi karta.

Qodobka 35 aad
W ada shaqaynta USDAW iyo USDAC

1. ururadda Samafalka aan Dawlig a aheyn (USDA) ee c aalamiga ah waa inay
dhiiri -geliyaan maal -gelinta ururadda Waddaniga ah ee aan Dawliga ahayn
(USDAW) kana fogaadaan inay kula tartamaan hawlaha ay qaban karaan
ururadda asi si loo xoojiyo tayeynta aqooneed iyo wax -qabad ee ururadda as
wadd aniga ah.

2. Barnaamijyada ururadda Samafalka aan Dawliga aheyn (USDA) ee
Caalamiga ahi waa inay la jaan -qaadaan qorshaha guud ee horumarineed
ee dalka (national develop ment plan). w aa inay dhiiri -geliyaan, muujiyaan
mashaariic wax -ku -ool ah oo la taaban kar o, isla markaasna ay kala
shaqeeyaan ururadda Samafalka aan Dawliga aheyn (USDA) ee w addaniga
ah deegaannada ay ka hawlgalaan kuna badhi -taaraan xoojinta tayadooda
aqooneed iyo wax -qabad si loo helo in barnaamijyadaasu sii socdaan siina
waaraan oo isku -fillaansho laga gaadho.
3. USDAC, waa in aanay mashaariic fuliye (projects’ implementor) u noqon
ururadda kale ee Samafalka Caalamiga ah ama shisheeye ama Hay’adaha
Qaramadda Midoobay

Qodobka 36 aad
Qaalabka & Agabka Mashaariicda dhammaatay

1. USDAC waa in Wasaara dda ay la shaqaynayaan iyo diiwaan -geliyaha u
gudbiyaa tira -koobka sugan ee agabka iyo qalabka mashruuc kasta oo
sannadle ah.
2. Markii mashruuc dhammaado, hantida mashruucaas iyo shaqadii
socotayba waxaa lagu wareejinayaa lammaanihii waddaniga ahaa ee

22

hawsha la wadday (partners) sida Wasaarad ama Urur waddani ah oo
magaceeda lagu xusay heshiiskii mashruuca ee la wada galay. Haddii
hantidaas in ka mid ah looga baahdo in loo adeegsado hawl la mid ah tii
hore oo dalka ka socota waxa lagu go’aansanayaa wada – tas hi dhinacyadu
u dhan yihiin.
3. Ururku Samafalka caalamiga ah wuxuu ku wareejinayaa Wasaaradda
Qorahaynta iyo Horumarinta Qaranka dhamaan hantida iyo agabka xafiiska
marka labada dhinac mid ka mid ahi go’aansado inuu soo afjaro hawl –
galladii u rurka

Qodobka 37 aad
Cashuurta shaqaalaha & Ajuurada diiwaan gelinta

1. USDAC waa in cashuurta dakhliga ee ku waajibtay shaqaalaha waddaniga
ee u shaqeeya ururradooda kasoo gooyaan una gudbiyaan Wasaaradda
Maaliyadda sida ku qeexan xeerarka cashuuraha dakhliga ee dalka.
2. Xad idaadda Ajuurada diiwaan -gelinta ee ururadda samafalka aan dawliga
aheyn (USDA) ee Caalamiga ah ama shisheeye ku waajibtay waxaa
Dikreeto ku soo saaraya w asiirka.

Qodobka 38 aad
Warbixinaha USDAC

1. USDAC waa inay u soo gudbiyaan g uddiga la -tashiga arrimah a USDA iyo
Wasaaradda Qorsheynta iyo horumarinta qaranka iyo ciddii kale ee ay la
shaqeeyaan war -bixin wax -qabadeed lix bilood leh ah iyo mid sanadle ah.
War -bixintaas oo ay ku jiraan arrimaha soo socda:
a. Wax -qabadkii fulay, wax -qabadkii baaqday, sababayn tii iyo odoroska
wax -qabad ee lixda bilood ee soo socda;
b. Kharashka miisaaniyadeed ee baxay, inta hadhsan, iyo odoroskeeda
mustaqbalka;
c. Turun -turrooyinka ama caqabadaha la soo dersay, duruustii laga bartay
iyo talo -soo -jeedinta.

2. Wasaar adu ka dib marka ay l a tashato g uddiga la-tashiga arrimaha
USDA, waxay:

a. U yeedhi karaan USDA warbixinta soo gudbiyay si wax uga waydiiyaan
macluumaadka la xidhiidha warbixintooda
b. Baadhis iyo hubin ku samayn karaan xaqiiqda warbixinta

3. USDA ee Caalamiga ah ee ku guuldaraysta soo gudbinta warbixinta ku
xusan faqrada 1aad ee qodobkan, Wasiirku wuxuu qoraal digniin
xambaarsan ku siinayaa waqti cayiman gudihii in ay ku soo gudbiyaan

23

warbixintooda, isagoo ogaysiin ka siinaya qoraalkaas g uddiga USDA iyo
wasaarada ama hay’ada x ukuum adeed ee ay heshiiska wada galeen
4. Haddii USDA ee c aalamiga ah ee u hogaansami waayo digniinta wasiirka,
Wasiirku wuxuu ka gaadhayaa go’ aan ka dib marka uu la tashado g uddiga
la-tashiga arrimaha USDA .

Qodobka 39 aad
Shakhsiyad Qaanuuneed

1. USDA waxay leeyih iin shakhsiyad qaanuuneed, wax way dacwayn karaan
waana la dacwayn karaa, si xeerarka dalka waafaqsan
2. Xeerkani ma siinayo dhowrsoonaan (xasaanad) iyo xuquuq
diblomaasiyadeed ururadda ku diiwaan -gashan.
3. Markuu shaqaale ajnebi ah oo u shaqeeya Urur aan Dawl i ahayn oo
Caalami ahi uu bixin waayo qaan -sheegatooyin ama deyn lagu yeeshay,
waxa deymahaas loo raaci doonaa ururkii dalka keenay ee uu u
shaqaynayey

Qodobka 40 aad
Buugaagata Xisaabta iyo diiwaan nada

Ururadda Samafalka aan Dawliga aheyn (USDA) ee Caal amiga ah waa inay
yeeshaan, si buuxdana u dhaqan geliyaan nidaam -xisaabeed dhan oo sax ah oo
ka kooban hantidooda, deymaha, dakhliga iyo kharashaadka si waafaqsan
nidaam -xisaabeedka caalamiga ah ee lagu dhaqmo

Qodobka 41 aad
Anshax -marin & Masuuliyad Ciqaabeed

1. Wasiirka ayaa talaabo anshax -marin ka qaadaysa USDA ee la yimaada hab –
dhaqan ama fal anshax -marin lagu mutaysan karo
2. Tallaabooyinka anshax -marin ee guddigu qaadan kartaa waxay
noqonayaan:

a. Digniin qoraal ah
b. Canaan qoraal ah
c. Ganaax
d. Ka hakin ruqs ada diiwaan gelinta muddo cayiman
e. Ka laalis ama kala noqosho ruqsadeed

3. Wasiirku wuxuu xeer -nidaamiye faahfaahsan ku soo saarayaa:

24

a. Hab -dhaqanada iyo falalka USDA ay anshax -marin ku mutaysan karaaan
b. Falkasta ama hab -dhaqan kasta talaabada anshax -marin ee ay mutaysan
karaan USDAW, USDAC
c. Hab -raaca anshax marinta
d. Habka fulinta talaabada anshax -marineed
e. Ganaaxa xaddiga ganaaxa ugu badan iyo falalka lagu mutaysan karo
f. Muddada ruqsada la hakin karo
g. Cawaaqib ka ka dhalan kara iyo habka loo maaraynayo

4. Go’aamada ansh ax -marineed, waxaa looga caban karaa habka cabashada
go’aamada maamul ee kama danbaysta ah.
5. Falkasta oo denbi ciqaabeed ka dhalanayo oo lagu jebiyo xeerkan ama
xeerarka ciqaabeed ee dalka ee qof shaqaale ahi galo waxaa
masuuliyadeeda qaadaysa cidii gashay, iyadoo loo marayo hab -raaca
denbiyada ciqaabta.

QAYBTA 8AAD
QODOBO QUBANE AH

Qodobka 42 aad
Arrimaha Shaqada

Arrimaha shaqada la xidhiidha waxa lagu dhaqayaa xeerka shaqaalaha rayidka
ee Somaliland. Heshiis shakhsi ama w adareed oo dheef (faa’iido) sar eysa ama
badbaadin shaqo oo ka badan tan Xeerka Shaqaalaha, waa lala geli karaa
shaqaalaha.

Qodobka 43 aad
Daabacaadda/faafinta

diiwaan geliyaha Guud wuxuu sa nad kasta ku daabici doonaa faafinta rasmiga ah
ama warbaahinta gudaha magacyada:

a. Dhammaan urur adda Samafalka aan Dawliga aheyn (USDA) ee la diiwaan –
galiyay;
b. Dhammaan ururadda Samafalka aan Dawliga aheyn (USDA) ee is
ba’abiyey ama iskood u burburay;
c. Dhammaan ururadda aan Dawliga Ahayn ee diiwaan ka laga saaray si
xeerkan waafaqsan.

Qodobka 44 aad
Dib u qiimayn & Dib u diiwaan gelin

25

1. Marka la dhamaystiro dhismaha Guddiga USDA, diiwaan geliyaha guud iyo
diiwaanka guud, isla markaana la soo saaro xeer -nidamyada xeerkani
waajibiyay, Wasiirku isagoo la tashaday Guddiga wuxuu soo saarayaa hage
faahfaahsan oo dib loogu qiimeeyo, dibna loogu diiwaan geliyo, ururadda
Samafalka aan Dawliga ahayn, ee wadaniga ah ama Caalamiga ah ee hore
uga diiwaan gashanaa dalka xeerkan ka hor.
2. diiwaan -geliyaha Guud i sagoo hagahaa raacaya, wuxuu dib u
diiwaan gelinayaa USDA ee hore d alka uga diiwaan gashanaa, wuxuuna soo
saarayaa liiska USDA ee dalka ka diiwaan gashan

Qodobka 45 aad
Xeer -nidaamiye

Wasiirku isaga oo la tashanaya Guddiga USDA wuxuu soo saarayaa xeer –
nidaamiye uu ku dhamaystirayo kuna fulinayo xeerkan

Qodobka 46 aad
Luqadda Xeerkan

Afka (luqadda) Xeerkani waa af -Somaali, haddii af -kale lagu minguuriyo (lagu
tarjumo), oo is -maan -dhaaf ka yimaaddo, waxa loo noqonayaa nuxurka nuqulka
Af -Soomaaliga ah.

Qodobka 47 aad
Laalid ama tirtid

Xeerkani markii la ansixiyo w axa uu laalayaa dham aan xeerarkii ka hor eeyey ee
la ujeeddo ahaa ee ka hor imanaya nuxurkiisa.

Qodobka 48 aad
Dhaqan -gal

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa marka ay ansixiyaan Golayaasha sharcidejintu
M/waynuhuna saxeexo.

C/raxmaan Maxamed C/laahi (Ci rro) C/risaaq Siciid Ayaanle
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Xoghayaha Guud ee G. Wakiilada